AMISOM oo Garoonka Muqdisho ku xayirtay Guddomiyaha Aqalka Sare [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM, ayaa maanta oo Talaado ah Ishortaag ku sameeyay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi xilli uu doonayay inuu ka duulo Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad oo Shir Jaraa'id ku qabtey Muqdisho ayaa ka warbixiyay qaabka uu u dhacay falkan mudane Cabdi Xaashi lagu xayiray maanta.

Mowliid ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay saaka saacadu markii ay ahayd 10:00 A.M. ay Gudoomiyaha Aqalka Sare u diideen inuu Garoonka Diyaaradaha kasoo galo Irida "Madina Gate" halkaasi oo lagu hayay mudo ku dhaw Hal Saac, illaa mas'uuliyiin kale soo farageliyaan Xaaladda.

Guddoomiye ku xigeenka, ayaa intaasi ku daray in Askarta AMISOM ay u sheegeen in ay yihiin mas'uuliyiinta sare ee Aqalka Sare, isla markaana ay doonayaan in ay galaan Gudaha Garoonka, balse ay u diideen, taasi oo keentay in Cabdi Xaashi uu dib uga dhaco safar uu ugu sii jeeday Kenya.

Mudane Guhaad ayaa intaasi kuu daray in Ciidamada AMISOM ay ku andacoodeen in amar lagu siiyay in qof aan ahayn Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Gollaha Shacabka uusan ka gudbi karin Madina Gate, albaabka laga galo Xalane.

Waxa uu Guhaad ka dalbaday AMISOM inay jawaab cad ka bixiso sababta ay is hortaagga ugu sameeyeen Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi, isagoo tallaabadaasi ku tilmaamay inay tahay mid sharci darro ah, oo ka baxsan awooda [Mandate] Ciidamada Midowga Africa.

Cabdi Xaashi ayaan lamid ahayn hogaamiyaasha kale ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo haysta Ilaalo AMISOM ah oo loo xilsaarey inay sugaan amnigooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM