AMISOM oo la timid qorshe cusub oo kusii joogeyso Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Iyadoo qorshuhu yahay in sanadka 2022-ka lagu wado inay isaga hayaamaan ciidamada AMISOM dalka Soomaaliya, ayaa waxaa soo ifbaxaya in dalalka xubinta ka ah howlgalkaan ay xusul duub ugelayaan sidii modo kororsi loogu sameyn lahaa.

Ra'iisul Wasaaraha dalka Uganda oo kamid ah dalalka ugu badan oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, ayaa waxaa uu kula kulmay dalkiisa Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee wadanka Shiinaha, kaasooa arrimo badan oo Soomaaliya quseeya uu kala hadlay.

Ruhakana Rugunda, Ra'iisul Wasaaraha Uganda ayaa waxaa uu weydiistay Gudoomiye Wang Yang inay ka taageerto dowladiisa sidii ay baaqi ugu sii ahaan lahaayeen Soomaaliya, maadaama dalka Shiinaha uu kamid yahay wadamada taageera xukuumada Muqdisho.

Sidoo kale, labadda masuul ayaa waxay ka wada hadleen colaadaha ka jira gobolka oo ay kamid tahay xaaladaha Suudaanta Koonfureed, Democratic Republic of Congo and Burundi iyo qaar kale oo badan, iyagoona isla gartay kawada shaqaynta sidii loo xalin lahaa.

"Maadaama aan kamid nahay dalalka ciidamada ku tabarucay howlgalka Nabad illaalinta Soomaaliya, waxaan ka dooneynaa in Shiinuhu nagu garab siiyo sidii Golaha Amaanka Qaramada Midoobay noogu sameyn lahaa Muddo kordhin," ayuu usheegay wariyaasha Rugunda.

Wadamada kale ee ciidaamda ku taageeray Howlgalka AMISOM ayaa waxay kala yihiin, Burundi, Ethiopia iyo Djibouti.

Dhawaan ayey ahayd markii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uu isku raacay in ciidamada Soomaaliya iyo dowladooda loo ogolaado inay masuuliyadda amaanka dalkooda dib loogu noqodo, taasoo saraakiisha AMISOM walaac ay ka muujiyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM