AMISOM oo sharaxdey talaabo ay fulintiisa kala hadashay Rooble

Image
Go'aankan ayaa khuseeya ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo xeradda Xalane.

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM] ayaa sharaxaad ka bixiyey tilaabooyin ay maalmihii u dambeysay dhaqan-geliyaan oo la xiriira ammaanka Xalane iyo garoonka Muqdisho.

Francisco Madeira, madaxa AMISOM oo kasoo muuqdey shir jaraa'id, ayaa Axada maanta ah wuxuu ka dhawaajiyey in ay adkeeyeen cidda hubka la galaysa "aagga cagaaran" ee ku teedsan madaarka Aadan Cadde.

Sida laga soo xigtey Madeira, ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayay kala xaajoodeen sidii loo dhaqan-gelin lahaa shuruucda u dagsan oo ay kamid tahay in aysan cid walba hub la gelin garoonka.

"Qof kasta oo hub la imaanayo halkan waa in uu sharaxo sharciyadda uu u haysto. Qaar kamid ah mas'uuliyiinta dowladda waxay la yimaadaan hub badan. Waa in ay raacaan shuruucda u dagsan halkan," ayuu xusay.

Madeira oo hadalkiisa sii wata ayaa meesha ka saarey in talaabadan ay haatan u dhaqan-gelinayaan sidii ay culeys u saari lahaayeen daraf gaar ah, isaga oo tibaaxay in ay kaliya ilaalinayaan "kaabeyaal muhiim ah".

"Halkan [xalane] waxaa ku yaala kaabeyaal muhiim ah iyo qaar xasaasi ah oo kaliya aysan lahayn AMISOM. Marka waa muhiim in dadka halkan imaanaya ay raacaan shuruucda u dagsan," ayuu kusoo afmeeray.

Taliska AMISOM iyo wakiilada beesha caalamka ee ku sugan Muqdisho ayaa dhowaan hakiyey wadashaqeynta dhanka amniga ee dowladda federaalka si gaar ah isdhaafsiga macluumaadka sirdoonka, sidda GO uu ogaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM