AMTIS oo 300 boolis ah u tababaraysa Jubbaland

Image
Dhoolatuskan ayaa waxaa sameeyay guddiga turxaan bixinta iyo qorista ee booliska Jubaland.

MUQDISHO, Soomalaiya – Howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS, ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Jubbaland ku soo gaba gabeeyay dhoolatuska turxaan bixinta iyo qorista ciidamada Booliska Jubbaland oo socday muddo saddex maalmood ah.

Dhoolatuskan ayaa waxaa sameeyay guddiga turxaan bixinta iyo qorista ee booliska Jubaland, oo ay taageerayaan qeybta booliska ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Gabagabada leyliga ayaa wadada u xaaraya in la bilaabo tababarida 300 oo askari oo loo diyaarinayo in ay ka mid noqdaan booliiska Jubaland, si kor loogu qaado amaanka gobolka.

“Tallaabada qorista waxaa loogu talagalay in lagu kordhiyo tirada booliiska Jubbaland si ay ula dagaallamaan dambiyada ayna u sugaan amniga gobolka,” ayuu yiri sarkaal u hadlay booliiska ATMIS.

La-taliyaha Adeegyada Tignoolajiyada Isgaarsiinta (CITS), ee taliyaha Guud ee Booliska AMTIS, Ibraahim Sini ayaa xustay in dhoolatuskan shaqaalaysiinta uu yahay mid lagu dhisayo tayada booliska gobolka, kahor inta aan la qorsheynin in mas’uuliyadaha amniga lagu wareejiyo ciidamada nabadsugidda Soomaaliyeed (SSF) dhammaadka bisha December 2024-ka.

"Tani waxay sidoo kale la socotaa Fikradda Hawlgallada (CONOPs) iyo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya," ayuu raaciyay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Jubbaland Gaashaanle Sare Jaamac Axmed Xasan oo khudbad ka jeediyay furitaanka Layliga, ayaa xusay in askarta tababarka loo soo xiray loo maray nidaam adag oo hufan.

“Ciidanka la qorayo waa qabiilo kala duwan, waxaana lagu soo xulay aqoontooda, Waxaan ka filaynaa inay dib ugu laabtaan degmooyinkii ay ka yimaadeen si ay ammaanka u xoojiyaan,” ayuu yiri Col. Xasan.

Turxaan bixinta iyo shaqaaleysiinta ayaa waxaa ka horeeyay tababar ay sameeyeen ciidamada booliska ee ATMIS, guddiga turxaan bixinta iyo qorista ee booliska Jubaland, oo ka kooban odayaal dhaqameed, wakiilo ka socday bulshada rayidka ah, ururada haweenka, iyo booliska Jubaland.

Bilayska ATMIS waxa u xilsaaran yahay in uu tababaro, la taliyo, ciidanka booliska Soomaaliyeed si ay gacan uga geysataan dhisidda awooddeeda si ay ula wareegaan amniga guud ee dalka una bartaan sharciyada caalamiga ah ee Booliska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM