Ansixinta xukumadda RW Sharma'arke oo dib loo dhigey

Image

January 17, 2015 (GO)- Iyadoo maanta qorshuhu ahaa in codka kalsoonida loo qaado xukuumadda uu dhowaanta soo dhisay Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma'arke ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in cod u qaadista xukuumadda dib loo dhigey.

Wararku waxay intaas ku darayaan in maanta Barlamanka laga hor akhrin doono warqad codsi ah oo Ra'isal wasaaruhu xildhibaannada kaga dalbanayo inay siiyaan muddo labo todobaad ah si uu xukuumadiisa dib u eegis ugu sameeyo.

Ila wareedyo ka agdhow Villa Somalia ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in qorshaha dib u eegista xukuumadda isku afgarteen Madaxweynaha iyo Ra'isal Wasaaruhu, balse lama oga ilaa iyo hadda xubnaha laga saarayo golaha cusub iyo kuwa lagu soo bedeli doono.

Ku dhowaad boqol xildhibaan oo todobaadkii hore shirar gaar gaar ahaa ku qabsadey Muqdisho ayaa sheegay inaysan codka kalsoonida siin doonin xukuumadda cusub iyagoo ku doodey in Ra'isal Wasaaruhu ku ballan furay Barlamanka dibna usoo magacaabay badi xubnihii ku jirey xukuumaddii kalsoonida lagala laabtey.

Barlamanku wuxuu sidoo kale todobaadkii hore ku gacan sayrey codsi uga yimid Ra'isal Wasaaraha kaasoo ahaa in dib loo dhigo waqtiga la ansixinayo xukuumadda oo qorshuhu ahaa inuu noqdo maanta (Sabti, January 17, 2015) lagana dhigo 22-da bisha. Codsigaas waxaa diidey 120 xildhibaan iyadoo 57 xildhibaan keliya ogolaadeen.

Xukuumadda Cumar Cabdirashiid waxaa ka dhex muuqda rag badan oo ku jirey xukuumadii hore ee kalsoonida lalga laabtay, kuwaasoo qaarkood aad ugu dhow yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh, kaalin firfircoonna ka ciyaareen khilaafkii kala geeyey Madaxweynaha iyo Ra'isal wasaarihii hore.

Ra'isal Wasaare Sharmaarke oo mar sii horeysey la weydiiyey sababta uu xubnahaas dib ugu soo magacaabay wuxuu sheegay in waqtiga harsan oo aad u kooban iyo shaqada la rabo in muddaas la qabto oo badan darteed uu garowsaday inuu soo celiyo mas'uuliyiintii horay usoo shaqeeyey ee waayo aragnimada lahaa shaqadana fahmey, maadaama haddii xubno cusub lasoo magacaabo waqti badani ku lumi doono inta ay hawsha ka fahmayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo qabatay shir ka dhan ah hubka sharci darrada ah

Shirka ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dhaqan-gelinta qaraarro ay horay usoo saareen Golaha Wasiirrada.

  • Soomaliya

    22-09-2024

  • 12:12PM

Xamse oo wafdi ballaaran u kaxeystay shirka loo dhan-yahay ee UN-ka

“Cidna yaan laga tagin” waa hal-ku-dhegga sanadkan ee shirweynaha guud ee Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    22-09-2024

  • 10:03AM