Antonio Guterres oo dunida u diray baaq la xiriira Soomaaliya

Image
Dhawaqan ayaa ka dambeeyay ka gadaal markii Al-Shabaab ay weerartay saldhig ay lahaayeen ciidanka ATMIS.

MUQDISHO, Soomaaliya – War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa waxaa luuqad adag lagu cambaareeyay weerar ay waabarigii Talaadada kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhig ciidamada Burundi ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Antonio Guterres wuxu marka hore si kulul u cambaareeyey weerarkaasi oo lagu laayey askar badan oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Burundi oo ku sugnaa halkaasi.

Sidoo kale, waxaa tacsi tiiraanyo leh qoraalkan loogu diray dowladda iyo shacabka Burundi, wuxuuna xoghayaha sidoo kale caafimaad deg deg ah u rajeeyey askarta dhaawacantay.

"Xoghayaha Guud wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dadkii lagu laayay, sidoo kale wuxuu tacsi u diray dowladda iyo shacabka Burundi. Wuxuu u rajeeyay caafimaad degdeg ah inta ku dhaawacantay weerarkaas," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka xoghayaha Stéphane Dujarric.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Xog-hayaha guud waxa uu bogaadinayaa dhammaan ciidamada ATMIS, waxa uuna si qoto dheer uga mahadcelinayaa adeeggooda iyo sida ay uga go’an tahay nabadda iyo amniga iyo amniga Soomaaliya”.

Ugu dambeyn Antonio Guterres ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay kordhiso taageerada ay siiso howlgalka ATMIS, ex AMISOM, si looga adkaado Al-Shabaab.

“Xog-hayaha guud waxa uu mar kale ka codsanayaa beesha caalamka in ay taageero dhan walba ah siiyaan ATMIS iyo ciidamada amaanka ee Soomaaliya, dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.” ayaa markale lagu yiri.

Al-Shabaab ayaa shaacisay in weerarkan oo qaraxyo ku billowday ay ku dishay illaa 173 askari oo ka tirsanaa ciidanka Burundi, waxaana jirta askar kale oo nolosha lagu qabtay, inkastoo aan tiradooda la shaacin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM