Aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho oo xiran

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa xiran maanta aqalka dowladda Hoose ee Muqdisho, kadib markii la duldhigay ciidamada katirsan kuwa Nabad Sugida, kuwaasi oo hakiyay dhaq-dhaqaaqa xaruntaasi.

Tallaabadan ayaa ka dambaysay markii xalay ka dhacday xarunta doorasho 17-ka Gudoomiye ee degmooyinka gobolka Banaadir ay labo sano oo dheeri ah Thaabit ugu doorteen duqa Muqdisho, markii xilka laga qaadey.

Shaqaalaha iyo dadkii adeegyada ka doonayay xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa saaka ku waaberiisttay gaadiidka dagaalka oo ku horjaran dhisamaha, iyadoo loo diiday inay galaan.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale xiray wadooyinka qaar ee Muqdisho, iyagoo kahor tagey dibadbaxyo lasoo abaabulay oo lagu taageerayo Thaabit.

Gudoomiyaha xilka laga qaadey Thaabit Cabdi Maxamed ayaa la sheegay inuu wali ku sugan yahay Xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho, waxaana la filayaa in maamulka cusub la wareego shaqada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa digreeto xilkii uga qaadey Thaabit Cabdi Maxamed, gudoomiyihii gobolka Banaadir, kadib markii lagu eedeeyay inuu iibiyay dhul hantida qaranka ah oo ku yaalla Caasimadda. Halkan ka akhri.

Waxaa lagu bedelay Thaabit Wasiirkii hore ee Warfaafinta Eng Cabdiraxmaan Yariisow, oo isku beel ay kasoo jeedaan, iyadoo sidoo kale la magacaabay ku xigeenno dhowr ah, oo dhalinyaro u badan. Halkan ka akhri.

Thaabit ayaa xilkan hayay mudo 10 bilood ah laga soo billaabo April, 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM