Gacan-yariyaasha Farmaajo iyo Khayre oo xilal sare loo magacaabay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo kamid ah dhalinyarada Gacan-yariyaasha u ah Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa xilal sare loogu magacaabay maamulka cusub ee gobolka Banaadir.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu magacaabay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir iyo ku xigeenadiisa kadib markii lakala diray maamulkii hore Thaabit Cabdi Maxamed.

Liiska cusub waxaa kasoo muuqday labo dhalinyaro ah oo ka kala tirsanaa Xafiisyada Farmaajo iyo Khayre, kuwaasi oo loo magacaabay ku xigeenada Eng Yariisow, Gudoomiyaha cusub ee gobolka.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Maxamed Tuulah], oo ahaa Hab-maamuuska Madaxweyne Farmaajo, kana tairsanaa Kooxdii Ololaha Doorashadiisa ayaa loo magacaabay Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir.

Cumar Cabdirisaaq Xuseen, oo isna ahaa Xogheynta gaarka ee Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa loo magacaabay Xoghayaha Guud ee maamulka gobolka Banaadir, isagoo badelay Zubeyda Mukhtaar.

Waxaa sidoo kale Madaxaweynahu magacaabay;

Basma Cumar Axmed, oo laga dhigay ku xigeenka dhinaca arrimaha bulshada iyo wacyi-gelinta,

Xuseen Maxamed Nuur, oo loo magacaabay ku xigeenka dhanka maamulka iyo maaliyadda,

Aadan Sheekh Cali Fiidow, oo loo magacaabay ku xigeenka dhinaca howlaha guud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM