Aqalka Hoose oo ansixiyey xeerka muranka dhaliyey ee doorashooyinka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanadda Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa meelmariyey sharciga muranka dhaliyey ee doorashooyinka.

Ansixinta ayaa ka dambeysay kadib kulan aan caadi ahayn oo mudaneyaasha ay ku yeesheen xaruntooda magaaladda Muqdisho, maanta oo Sabti ah.

Sidda uu shaaciyey guddoonka Aqalka Hoose, xeerkan, oo wax ka bedel lagu sameeyay, waxaa u coddeysay 170 mudane oo kulanka kasoo qeybgalay.

Shan kamid ah xubnihii kulanka kasoo muuqday ayaa diidey hindise sharciyeedka, halka laba kale ay ka aamuseen, sidda laga soo xigtay xogheynta guud ee golaha.

Shir-guddoonka oo "guul taariikhi ah" ku tilmaamay "aqlabiyad balaaran lagu ansixiyey sharciga doorashooyinka" ayaa u mahadceliyey sharci-dejiyeyaasha.

Sharcigan oo loo gudbin doono Aqalka Sare ayaa la filayaa in uu si degdeg ah uga doodo isla markaana cod u geliyo maadaama muhiim u yahay coddeynta 2020-21.

Xisbiyadda mucaaradka iyo qaar kamida maamul goboleedyadda ayaa kasoo horjeestay qodobo ku jira sharciga, iyagoo sheegay in uu "xalaaleynayo muddo kororsi".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM