Aqalka Sare oo u yeeray xubno ka socday Xafiiska Xeer-ilaalinta

Image
Xubnahan ayaa hortagay Guddiga Khayraadka Qaranka, kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu u yeeray xubno ka socday Xafiiska xeer ilaalinta, sidda ku cad war-saxaafadeed rasmi ah.

Bayaanka ayaa waxa uu kasoo baxay Guddiga Khayraadka Qaranka, kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare oo shir muhiim ah ku yeeshay Muqdisho Isniintii shalay ahayd.

Sidda laga soo xigtey warka qoraalka ah, ujeedada loogu yeeray xubnahan ayaa ah "si ay isula daaraaseeyaan sharciga Maaraynta Deegaanka oo muhiim gaar ah u leh dalka".

"Guddiga Khayraadka Qaranka, kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah ayaa maanta yeeshay kulankoodii lixaad ee Kalfadhiga 3-aad," ayaa lagu yiri qoraalka.

Warka ayaa intaas ku daray: "Guddiga Khayraadka Qaranka oo maalmahaan ku howlanaa ka shaqaynta Hindise sharciyeedka Maaraynta Deegaanka, ayaa kulankooda maanta ugu yeeray xubno ka socday Xafiiska xeer ilaalinta, si ay isula daaraaseeyaan sharciga Maaraynta Deegaanka oo muhiim gaar ah u leh dalka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM