AQRISO: War-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii IGAD ee Muqdisho

Image

January 11, 2015 (GO)- Garowe Online ayaa heshay nuqul kamid ah war-murtiyeedkii laga soo saaray shirkii 53-aad ee wasiirada arimaha dibadda dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD. War-murtiyeedka oo 15 qodob ka koobnaa wuxuu u qornaa sidan:

QODOBBADA WAR-MURTIYEEDKII IGAD:

01. IGAD waxay tix-gelineysaa madax-bannaanida, midnimada iyo Qaranimada Somalia.

02. IGAD waxay soo dhaweynaysaa dadaalka dowladda Somalia ay ku xalisay murankii siyaasadeed ee dalka ka jiray, kaasoo loo maray waddo sharci ah, waxaana soo dhawey-naynaa magacaabista ra’iisul wasaare, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

03. IGAD waxay soo dhaweynaysaa hir-gelinta Hiigsiga 2016-ka, isku-dhafka ciidamada, xasilinta deegaannada ay dowladda maamusho iyo sidii loo furi lahaa waddooyin loo maro deegaannada go’doonsan.

04. IGAD waxay soo dhaweynaysaa sameynta maamullada KMG ah ee Koonfur-galbeed iyo JUBBA, iyadoo IGAD ay tiigsanayso sameynta maamullada gobollada dhexe iyo kan Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.

05. IGAD waxay dowladda federaalka Somalia ka codsanaysaa inay dedejiso sameynta maamulka gobollada dhexe iyo Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.

06. IGAD waxay hoosta ka xariiqday muhiimadda ay leedahay in si dhaqso ah loo dhameysitro maamul goboleedyada iyo baarlamaannadooda, iyadoo loo marayo sida uu qabo dastuurka federaalka Soomaaliya.

07. IGAD waxay soo dhaweysay heshiiskii dhexmaray dowladda Somalia iyo maamulka Jubbaland 15-kii November, 2014-ka, kaasoo ku saabsan isku-dhafka ciidamada.

08. IGAD waxay qiraysaa lahaanshaha dowladda ee arrimaha Soomaaliya iyo hogaaminteeda, iyadoo dajinaysa muhiimadaha iyo sida arrimuhu u kala horreeyaan.

09. IGAD waxay cambaareyneysaa weerarkii Al-shabaab ay ku qaadday xarunta AMISOM ay ku leedahay Muqdisho ee Xalane, waxayna wasiirrada isku raaceen in lala dagaallamo Al-shabaab illaa nabad-waarta laga helayo Soomaaliya.

10. IGAD waxay garowsan tahay geesinimada ay ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ay u wajaheen howlgalkii Badweynta Hindiya ee lagula dagaalamayay Al-shabaab iyo guulihii laga gaaray.

11. IGAD waxay xusuusan tahay qorshihii xagga ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya oo lagu dajiyey shirkii London ee dhacay Sebtember 2014-kii.

12. IGAD waxay dowladda ka codsanaysaa inay dedejiso qorshaha dalka lagu horumarinayo iyo inay si toos ah ula macaamisho maamullada gobollada ee dalka ka jira.

13. IGAD waxay garoowsan tahay sida dowladda federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in la hirgaliyo Hiigsiga sannadka 2016-ka.

14. IGAD waxay ku dhiiri-gelinaysaa dowladda Soomaaliya dhameystirka hay’adaha maamulka iyo garsoorka Soomaaliya, iyadoo loo marayo sida uu qabo dastuurka Soomaaliya.

15. IGAD waxay soo dhaweynaysaa sida dowladda federaalka Somalia uga go’an tahay dhamaystirka iyo qabyo-tirka dastuurka federaalka ah.

16. Wasiirrada IGAD waxay isku raaceen inay dowladda federaalka Somalia ka taageeraan dhinaca farsamada, marka ay timaado in dastuurka la dhameystiro.

17. IGAD waxay aqoonsan tahay kaalinta muhiimka ah ee xafiiska nabadda iyo dib u heshiisiinta IGAD ee Soomaaliya uu leeyahay iyo doorka uu ka qaadan karo sidii lagu gaari lahaa Hiigsiga 2016-ka.

18. IGAD waxay soo dhaweynaysaa xafiiska nabadda iyo dib u heshiisiinta ee Soomaaliya ee IGAD iyo qorshihiisa xeeladeysan ee sannadka 2015-ka iyo 2016-ka.

19. IGAD waxay faraysaa xafiiska IGAD ee Somalia inuu xoojiyo nabadda iyo dib u heshiisiinta iyo inuu mar kasta wadatashi dowladda federaalka Somalia shaqo kasta oo uu dalka ka qabanayo.

20. Shirka IGAD wuxuu xaqiijinayaa sida adag ee ay waddamada u garab-taagan yihiin Soomaaliya iyo hiigsiga 2016-ka

21. Shirka IGAD wuxuu tixgelinayaa kaalinta Beesha Caalamka ee kaalmada Soomaaliya, waxaana loogu baaqayaa inay kor u qaadaan kaalmada ay siiyaan.

22. Shirka IGAD waxaa lagu amaanayaa kuna talinayaa in wadahadalka dowladda Somalia iyo Somaliland u dhexeeya, lana sii wado.

23. Shirka IGAD wuxuu soo dhaweynayaa heshiiskii dhexmaray xukuumadda Jabuuti iyo isbahaysiga mucaaradka ah ee USN oo dalkaas lagu saxiixay 30-kii bishii December ee sannadkii 2014-kii.

24. IGAD waxay go’aansatay in shirka xiga ee IGAD Muqdisho lagu qabto inta lagu jiro sanadkan 2015-ka.

25. IGAD waxay ku bogaadinaysaa dadka Soomaaliyeed marti-gelinta shirka 53-aad ee aan caadiga ahay ee IGAD ay ku yeelatay Muqdsiho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo qabatay shir ka dhan ah hubka sharci darrada ah

Shirka ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dhaqan-gelinta qaraarro ay horay usoo saareen Golaha Wasiirrada.

  • Soomaliya

    22-09-2024

  • 12:12PM

Xamse oo wafdi ballaaran u kaxeystay shirka loo dhan-yahay ee UN-ka

“Cidna yaan laga tagin” waa hal-ku-dhegga sanadkan ee shirweynaha guud ee Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    22-09-2024

  • 10:03AM