"Arday" ku dhimatay qarax miino oo ka dhacay Muqdisho

Image
Bartilmaameedka weerarka ayaa lagu waramay in uu ahaa gaari ciidan oo jidka marayay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax miino oo ka dhacay degmada Dayniile ee Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo dhanka ammaanka ah.

Fahaahin horudhac waxay muujineysaa in miinadda lala eegtay gaari ciidan oo jidka marayey. Dad shacab oo jidka marayay ayaa kamid ah kuwa waxyeelada soo gaartey.

Afhayeenka booliska Soomaaliya, Sadiiq Doodishe oo la hadlay wakaalada wararka qaranka ee SONNA ayaa xaqiijiyey qaraxa balse wuxuu tibaaxay in waxyeelada ugu badan soo gaartey rayid.

Sida laga soo xigtey Doodishe, miinadda oo nooceedu ahaa kuwa meelaha fog looga hago remote-ka ayaa la kacdey gaari nooca raaxadda ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah.

"Illaa haatan, waxaa nasiib darro nasoo gaartey dhimashadda laba arday ah iyo dhaawaca shan kale oo shacab ah oo wadada marayay," ayuu hoosta ka xariiqay afhayeenka.

Warbixino kale oo aan wali la xaqiijin waxay tibaaxayaan in labada qof ee dhimatay ay yihiin caruur yar-yar oo hooyadood ay adeeg u soo dirtey balse la kulmay "qaraxan foosha xun".

Falkan oo aysan jirin koox dusha saaratay mas'uuliyadiisa ayaa wuxuu kusoo hagaagayaa xilli digniino amni oo u badan qaraxyo iyo weeraro toos ah jiraan kana dhici kara caasimada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM