AS oo weeraro ka fulisay Jubaland

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - AS ayaa fulisay saddex weerar oo ay ku qaadey 24-kii saac ee lasoo dhaafay saldhigyo Ciidan oo ku yaalla gobolka Jubada Hoose, oo dhawaan ka billowday howlgal military.

Wararka aan ka helayno gobolka ayaa sheegaya in la weeraray Buula-Xaaji, Harboole iyo Miido, oo kamid ah meelaha ay ka socdeen dhaq-dhaqaaqyada Ciidan mudooyinkii dambe.

Dagaal culus ayaa ka dhacay goobahan, kaasoo gaystay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.Buula-Haaji waxay 80-km Koonfur Galbeed uga beegan tahay Kismayo, Harboole 90-km ayay waqooyi Galbeed u jirtaa Kismayo halka Miido 95-km sidoo kale waqooyi galbeed uga beegan tahay magaaladda Kismayo.

Ma jiro war kasoo baxay Jubaland oo ku aadan weerarada oo kusoo beegmaya xili guluf colaadeed ay Jubaland ka wado gobolka, ooAS uga sugan tahay Badhaadhe iyo degaanno kale, oo kasoo abaabusho qaraxyada iyo falalka kale ee ka dhan ah amniga.

Ciidan Mareykanka ah ayaa duleedka Kismaayo ku leh saldhig, waxayna ka caawiyaan askarta Jubaland iyo kuwa dowladda federaalka duqeymaha cirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM