Askar Ajnabi ah oo "lagu dilay" koonfurta Soomaaliya [Fahfaahin]

Image

BALCAD, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in Qarax Miino oo ay kula eegatay ciidamadda AMISOM duleedka degmada Balcad ee Shabellaha Dhexe ay ku dishay Labo askari, islamarkaana ay ku dhaawacmday 15 kale.

Kooxda ayaa sidoo kaloo sheegtay in weerarkaan gaadmadda ah ku gubtay mid kamid Baabuurta Gaashaaman ee Howlgalka Nabad-illaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya [AMISOM], kaasoo Miinada wadada qarkeeda ugu aaseen ay haleeshay.

Kolanyadan la qarxiyay ayaa waxaa la sheegay inay gurmad u sideen ciidamo Soomaali ah, oo Shalay oo Isniin ahayd Qarax Miino lagula eegtay duleedka magaalada Jowhar, ee isla gobolka.

Qaraxii shalay ayaa waxaa looga dilay Ciidamda Xoogga dalka Soomaaliya ugu yaraan saddex Askari, halka uu ku dhaawacmay Sarkaal ilaali ay u ahaayeen oo la socday Kolonyada, kaasoo magaciisa lagu soo gaabiyay Cali Xuubey.

Wararka ku saabsan Qaraxaan lala eegtay ciidamadda AMISOM, waxay intaas ku darayaan in Askarta labadda ah ee lagu dilay ay u dhasheen wadanka Burundi, sida ay Shabaab ku baahisay warbaahinta afkeeda ku hadasha.

Hasa yeeshee, illaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay AMISOM oo ku aadan weerarka.

Amaanka wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar ayaa noqotay mudooyinkii udambeeyay mid uu sii xumaanayeeyay, iyadoona lagu beegsaday Askar, iyo masuuliyiin badan, kuwaasoo qaarkood lagu naf-gooyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM