Askar ku dhimatay qarax lagula eegtay koonfurta Soomaaliya

Image
Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa sheegtay in ay ka dambeysay weerarkaas.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan shan askari ayaa ku dhintay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib qarax miino oo ciidamadda Midowga Afrika ee ATMIS lagula eegtay duleedka degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha howlgalka midowga Afrika ayaa xaqiijiyay weerarka balse ma aysan cadeyn khasaaraha ka dhashay weerarka oo jid gal ahaa.

Warbaahinta maxaliga ayaa warisay in shanta askari ee la dilay ay u dhasheen dalka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee KGM ah ATMIS

Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa sheegtay in ay ka dambeysay weerarkaas. Si kastaba ha ahaatee, howlgalka Midowga Afrika ayaan weli ka hadlin weerarka khasaaraha ka soo gaaray iyo hadii ay jiraan waxyeello ay gaarsiiyeen kooxda weerarka ku soo qaaday.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa wadankaan ku yaalla geeska Afrika ka taageeray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab 15-kii sano ee la soo dhaafay. Hawlgalku wuxuu ku ekaa December 2021, waxaana ugu dambayntii lagu heshiiyey wax u muuqda magac beddel iyo muddo kordhin loo sameeyo taas oo uu hada ku shaqeeyo howlgalku.

Midowga Afrika (AU), Qaramada Midoobay (UN) iyo dawladda Soomaaliya ayaa go’aamiyey in 1-da Abriil 2022,  in AMISOM lagu beddelo Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Howlgalka cusub ayaa shaqeyn doona ilaa dhamaadka sanadka 2024-ka, iyadoo wixii ka dambeeyana dhammaan masuuliyada lagu wareejin doono ciidamada ammaanka Soomaaliya. Awoodda ATMIS ee ku dhawaad 18 000 oo askari, 1 000 booliis iyo 70 rayid ah ayaa ka tarjumaysa heerka awooda kooxda dagaalka lagula jiro.

Shaqada AMISOM waxay soo bilaabatay March 2007, si ay hoos ugu dhigto al-Shabaab iyo in la dhiso tayada Ciidamada Nabadsugida, Milateriga iyo Booliska Soomaaliyeed si howlgalku ugu danbeyn uga baxo 2021.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM