Askar ku dhimatay qarax lala eegtay sarkaal milatari

Image
Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daray in Saneey Cabdulle uu ka badbaaday weerarka, islamarkaana aanay wax dhibaato ah soo gaarin.

MUQDISHO, Soomaaliya – Inta la xariijiyay 10 askari ayaa ku dhimatay qarax goor hore oo sabti maanta ah lala eegtay Kolonyo gawaari ah oo uu la socday Korneyl Saney Cabdulle oo tirsan milatariga Soomaaliya xilli uu ku sii jeeday magaaladda Jowhar oo ay wali ka socoto doorashada golaha shacabka.

Qaraxa lala eegtay milatariga ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo horay loogu dilay masuliyiin ka tirsan Shabeelle oo ay ku jiraan wasiiro, xildhibaano, masuuliyiin gobolka iyo saraakiil ciidan.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa warsidaha Garowe Online u sheegay in qaraxa lagula dilay 10 askari oo saarnaa gaari Cabdibile ah. Weerarka ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay askar kale oo aan tiradooda la shaacin.

Dhaawaca askarta ayaa waxaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho, ayada oo askarta geeriyootay meydkooda la geeyay magaalada Jowhar halkaas oo maanta lagu aasayo.

Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daray in Saneey Cabdulle uu ka badbaaday weerarka, islamarkaana aanay wax dhibaato ah soo gaarin.

Sarkaal kale oo caafimaad ayaa u sheegay Garowe Online in askarta dhaawaca ah ku jiraan kuwa xaaladoodu darantahay sidaasna loogu soo qaaday magaaladda Muqdisho.

Saney Cabdulle ayaa ka baxay magaaladda Muqdisho xilliga weerarka qabsaday isaga oo ku siijeeday magaalada Jowhar oo lagu qabanayo doorashada kursiga HOP141 oo ay leedahay beesha uu kasoo jeedo.

Kursigan ayaa waxaa shantii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, balse waxaa dhowaanahan ka taagnaa xiisad ayada oo ay isku haystaan jufooyin ka wada tirsan beesha Harti-Abgaal.

Sarkaalkaan la weeraray ayaa magaciisu si wayn u soo ifbaxay sanadkii 2021 xilligaas oo madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday uu isku dayay in uu labo sano oo sharci daro ah ku kororsado mudo xileedkiisa afarta xilligaas oo uu hoggaamiyay ciidamo diiday mudo kordhinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo baahiyay Muuqaalka Weerarada Cirka ee Mareykanka Ka Fuliyay Puntland

Madaxweyne Trump ayaa sheegay sabtidii in duqeynta lagu beegsanayay "Qorsheeyaha Weerarrada Daacish iyo xubno kale oo uu hogaaminayay."

  • Soomaliya

    04-02-2025

  • 08:23AM

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo laga joojiyay qorshe muran badan dhaliyay

Sidoo kale, Waxaa la faray hay’adaha ku shaqada leh arintan lagu dhacayo dadka inay si degdeg ah u joojiyaan, illaa amar dambe.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 04:23PM