Askar Soomaali ah laguna daray ATMIS oo gaadmo lagu dilay

Image
Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa dusha saartay mas'uuliyadda weerarkan qorsheysanaa.

MUQDISHO, Soomaaliya – Afar askari oo ka tirsan ciidamada dowladda oo markii hore lagu dhex daray hawlgalka ATMIS ayaa lagu dilay Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Gololeey ee duleedka degmada Balcad.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo dadka degaanka, ciidamada Burundi ayaa saldhiga baneeyay todobaadkii hore; askartu waxay dareemeen "in laga tagay" waxayna ku biireen askartii isbaarada joogtay.

Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyada falkan ayaa daaha ka rogtay in ay dishay askar badan iyo saraakiil wehlisay. Maleyshiyadda ma aysan soo bandhigin magacyadda saraakiisha ay sheegatay in ay khaarijisay.

Jimcada todobaadkii hore, qarax xooggan uu duhurnimadii ka dhacay xaafad ka mid ah degmada Dharkiinle ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen saraakiil dhanka amniga ah.

Qaraxaasi oo dhawaqiisa si weyn looga maqlay qaybo kamid ah magaala madaxda ayaa wararka waxay intaas ku darayaan in lala beegsaday siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Illaa haatan ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda falkan. Balse, dhacdooyinka noocaan ah waxaa looga bartey maleyshiyadda argagixisadda ah ee Al-Shabaab.

Qaraxaan wuxuu noqonaya kii ugu horeeyay ee ka dhaca caasimadda tan iyo markii la doortey madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud, oo wali ku mashquulsan dhismaha dowladdiisa rasmiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Axmed Madoobe oo Kismaayo dib ugu laabtay

Markii uu tagey Nairobi, waxaa soo baxayay warar ku saabsan inuusan Axmed Madoobe dalka kusoo laaban karin, iyadoo hadda soo laabtay.

  • Soomaliya

    02-02-2025

  • 12:58PM

Amniga Madaxtooyadda Soomaaliya oo la adkeeyay kadib diyaarado lagu arkay

Labada kooxood waxay si gooni gooni ah u dadaalayaan inay ridaan dowladda federaalka Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 12:44PM