Askari "dishay" horjoogeyaasha Al-Shabaab oo la abaalmariyey

Image
Image
Image
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa goob fagaaraha ah ku bixiyey lacagtan oo dhan tobban kun doolar.

BELEDWAYNE, Hiran - Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa goob fagaaraha ah oo ku taalla degmada Maxaas kula wareejiyay lacag dhan $10.000 Askar ka tirsan guutada 5-aad qeybta 27-aad.

Sida ay warisay saxaafadda, askarta ayaa shalay howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degmada Moqokori waxay ku dileen laba xubnood oo kamid ah maleyshiyaadka Al-Shabaab.

"Labada Askari oo fulay howlgalkaasi ayaa gacanta loo galshay lacagtii uu horay ugu ballan qaaday guddoomiye Jeyte ciidanka dowladda iyo kuwa dib-u-xoreynta deegaanka," ayay qortey wakaaladda SONNA.

Xildhibaanno baarlamaanka fedaraalka yo baarlamaanka Hirshabelle, saraakiil ciidaan, maamulka degmada Maxaas iyo boqolaal dadweyne ah ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda.

Howlgalka lagu khaarijiyey horjoogeyaasha Al-Shabaab oo macluumadkiisa ay bixiyeen dadka degaanka ayaa, sida ay qortey warbaahinta dowladda, wuxuu ka dhacay magaaladda Moqokori ee isla gobolka Hiiraan.

Horjoogeyaasha la wariyey in laga takhalusay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Siraad Cumar Gacal, oo lagu sheegay in uu ahaa madaxa maaliyadda gobolka Hiiraan ee Al-Shabaab, iyo Deerow, oo ah taliye urur.

Sidda ku xusan warbixinadda warbaahinta dowladda, waxaa sidoo kale isla howlgalkan lagu dilay darawalka qaaska ah ee saraakiishan. Balse, lama soo bandhigin magaciisa. Al-Shabaab ayaan wali ka hadlin sheegashadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM