Askari nin u dilay qaraaxadda sigaarka oo dil lagu xukumay

Image
Marxuumka oo la rumeysan yahay in uu kamid ahaa ganacsatada yaryar ee magaaladan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Dable Maxamed Cabdiqaadir Sheekh oo nin shacab ah ku diley magaalada Afgooye horraantii sanadkan, kadib markii uu u diiday qaraaxadda lagu shito sigaarka, taas oo qiimo ahaan ka yar nus doolar (11-kun shiling Soomaali).

Marxuumka oo la rumeysan yahay in uu kamid ahaa ganacsatada yaryar ee magaaladan ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu magacaabayay Cabdifataax Cabdullaahi Cali.

Afgooye ayaa waxaa kusoo batay dilalka dadka ay isu geysanayaan kadib marka ay ku murmaan waxyaabo yar yar oo qiimahoodu hooseeyo, sida nin haweenay ku diley koob shaah iyo mid kale oo nin ku dilay xabbad sigaar ah.

Xukunada dilka ah ee maxkamadda ciidanka ayaa la sheegay in ay qeyb weyn ka qaadatay dhimista dilalka ay geystaan askarta, sarena u qaadday heerka lagu kalsoonyahay dowladda.

Balse shir dhowaan ka dhacay magaalada Geneva oo dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobay ayay dowladda Soomaaliya ku ballan-qaadday in ay wax ka badalayso arrimo gaar ah oo la xiriira fulinta xukunada dilka ah, sida in meel fagaaro ah lagu toogto dambiilaha, taas oo ay hay’adda sheegtay in ay xad gudub ku tahay xuquuqda sharafta ee qofka la dilayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM