ATMIS oo ka hadashay weerarkii Al-Shabaab ee Buulo Mareer

Image
Xoogaga gacan-saarka la leh Al-Qaacida ayaa baahiyey sawiro muujinaya khasaaro baaxad leh.

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalka ATMIS ayaa shaaca ka dhigay in ay iska-caabiyeen weerarkii Al-Shabaab ee Buulo-Mareer. Balse masoo bandhigin khasaaraha soo gaarey ciidamadooda.

Xoogaga gacan-saarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa wariyay in ay "cagta mariyeen" xeradan isla markaana ay nolosha ku qabteen askar u dhalatay Uganda.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli uu bilaha soo socda ay bilaabaneyso dhimista ciidamada Midowga Afrika taasoo qeyb ka ah bixitaanka guud ee bisha December, 2024.

War-saxaafadeed kasoo baxay ATMIS ayaa lagu caddeeyay in ay si degdeg ah ugu guuleysteen ciidamadooda in ay dib-u-hantaan gacan-ku-haynta degaanka iyo saldhigooda.

Bayaanka ayaa waxa uu intaas ku daray in howlgalkooda ay wali ka go'an tahay in ay sii wadaan ololaha lagula dagaalamayo maleyshiyaadka Al-Shabaab iyo in ay mas'uuliyad amniga wareejiyaan.

ATMIS ayaa ah howlgal ku meelgaar ah oo lagu badalay AMISOM ka gadaal markii dowladda federaalka Soomaaliya ay go'aan-satay in ay mas'uuliyada amniga la wareegto.

Buulo-mareer ayaa ah degmo hoos-tagta gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho u jirtaa qiyaastii 120 KM iyadda oo kaga beegan jihada Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Waxaan garab taagannahay Ciidamada dowladda Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in guushii deyn cafinta kaddib ee dhammaadkii sanadkii 2023.

  • Soomaliya

    22-02-2025

  • 04:38PM

Mareykanka oo duqeymo ka fuliyay agagaarka degmada Bulo Burte

Dowladda Soomaaliya ma aysan sheegin tirada xubnaha Al-Shabaab ee lagu dilay duqeymahaas uu fuliyay Mareykanka.

  • Soomaliya

    22-02-2025

  • 07:53AM