ATMIS oo ka hadashay weerarkii Al-Shabaab ee Buulo Mareer

Image
Xoogaga gacan-saarka la leh Al-Qaacida ayaa baahiyey sawiro muujinaya khasaaro baaxad leh.

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalka ATMIS ayaa shaaca ka dhigay in ay iska-caabiyeen weerarkii Al-Shabaab ee Buulo-Mareer. Balse masoo bandhigin khasaaraha soo gaarey ciidamadooda.

Xoogaga gacan-saarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa wariyay in ay "cagta mariyeen" xeradan isla markaana ay nolosha ku qabteen askar u dhalatay Uganda.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli uu bilaha soo socda ay bilaabaneyso dhimista ciidamada Midowga Afrika taasoo qeyb ka ah bixitaanka guud ee bisha December, 2024.

War-saxaafadeed kasoo baxay ATMIS ayaa lagu caddeeyay in ay si degdeg ah ugu guuleysteen ciidamadooda in ay dib-u-hantaan gacan-ku-haynta degaanka iyo saldhigooda.

Bayaanka ayaa waxa uu intaas ku daray in howlgalkooda ay wali ka go'an tahay in ay sii wadaan ololaha lagula dagaalamayo maleyshiyaadka Al-Shabaab iyo in ay mas'uuliyad amniga wareejiyaan.

ATMIS ayaa ah howlgal ku meelgaar ah oo lagu badalay AMISOM ka gadaal markii dowladda federaalka Soomaaliya ay go'aan-satay in ay mas'uuliyada amniga la wareegto.

Buulo-mareer ayaa ah degmo hoos-tagta gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho u jirtaa qiyaastii 120 KM iyadda oo kaga beegan jihada Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM