ATMIS oo lagu wareejiyay mas'uuliyada amniga doorashada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Somalia, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa kulan deg deg ah isugu yeeray saraakiisha sare ee ciidamada howlgalka nabad ilaalinta ATMIS.

Shirkaan ayaa looga hadlay xaqiijinta amniga doorashada madaxweynaha Somalia oo la filaayo inay dhacdo maalinta Axada oo ku beegan 15-ka May.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa faray saraakiisha iyo taliyeyaasha ugu sareysa ATMIS inay gutaan waajibaadkooda shaqo ee ah mas’uuliyada ka saaran ilaalinta amniga doorashada madaxweynaha Soomaaliyaa.

Kulankaan ayaa saraakiishii ka qeyb galay waxaaa ka mid ahaa Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Africa marwo Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee ciidanka ATMIS ee Somalia Lt. Gen Ndegeya Diomede, iyo Brig. Gen. Keith Katungi oo ah Taliyaha Guud ee qaybta Sector One ee ciidanka ATMIS.

Shirkaan deg deg ah ee Guddoomiye Aadan Madoobe ugu yeeray saraakiisha ATMIS ayaa kusoo beegmay saacado kadib, markii guddiga doorashooyinka ay soo saareen habraaca amniga doorashada madaxweynaha, oo la filaayo inay murashaxiinta madaxweyne ku dhaqmaan.

Magaaladda Muqdisho oo ay ku suganyihiin inta badan haggaamiyaasha Soomaaliya ayaa waxaa ka socda diyaargarowga doorashada madaxtinimada, taas oo la filayo inay qabsoonto maalinta Axadda ee 15-ka May.

In ka badan 30 musharax ayaa illaa haatan la guddoonsiiyey shahaadooyinka u ogolaanaya inay u tartamaan kursiga madaxweynaha Soomaaliya oo sanadkaan loolan adeg loogu jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM