"Awooda cusub" ee la siiyey wasaarada gudaha federaalka

Image
Lama ogga sida arrinkani uga shaqayn doono Jubbaland oo marar badan oo hore ay suurtogali weysay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Heshiiskii ay magaalada Baydhabo ku kala saxiixdeen madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo siyaasiyiinta mucaarad ku ah maamulkiisa ayaa waxaa kasoo dhex-muuqdey qodob awood gaar ah siinaya Wasaarada arrimaha gudaha federaalka.

Qodobkaas ayaa sheegaya in wasaaradda ay yeelaneyso kaalinta dhaqan-gelinta heshiiskan oo lagu muddeeyay doorashadda Xildhibaanadda, gudoonka iyo madaxweynaha.

Talaabadan ayaa sidoo kale waxay ka dhigan tahay in ay saamayn doonto doorashooyinka Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland oo dhammaantood la filayo in ay dhacaan labadan sano ee foodda nagu soo haya gudahood, gaar ahaan inta uusan dhamaanin muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Lama ogga sida arrinkani uga shaqayn doono Jubbaland oo marar badan oo hore ay suurtogali weysay in ay dowladda federaalka dhex gasho doorashooyinka ka dhacayay.

Puntland oo iyaduna doorasho qabanaysa sanadka soo socda ayaa hoos u dhigtay xiriirkii ay la lahayd federaalka taasoo ka dhigan in qodobkani uusan saameyn ku yeelan karin.

Tan iyo intii sanadkii hore dib loosoo doortay Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa soo baxayay saansaan xooggan oo muujinaysa in wasaaradani loosoo celinayo kaalinteedii dowlad goboleedyada.

Wasiirka wasaaraddan Axmed Fiqi ayaa garoonka Muqdisho ku qaabilayey madaxweynayaasha dowlad goboleedyada marka ay caasimadda u tagaan shirka Wadatashiga Qaran.

Waxyaabaha sii xoojinaya kaalinta wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ah in ciidamada federaalka ay haatan si xoogaysan u joogaan inta badan dowlad goboleedyada afarta ah ee Koonfurta iyo Bartamaha, iyada oo markii ugu horeysey ciidamo badan oo federaal ah ay ka hawlgalaan qeybo ka mid ah dhulka Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM