"Awooda cusub" ee la siiyey wasaarada gudaha federaalka

Image
Lama ogga sida arrinkani uga shaqayn doono Jubbaland oo marar badan oo hore ay suurtogali weysay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Heshiiskii ay magaalada Baydhabo ku kala saxiixdeen madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo siyaasiyiinta mucaarad ku ah maamulkiisa ayaa waxaa kasoo dhex-muuqdey qodob awood gaar ah siinaya Wasaarada arrimaha gudaha federaalka.

Qodobkaas ayaa sheegaya in wasaaradda ay yeelaneyso kaalinta dhaqan-gelinta heshiiskan oo lagu muddeeyay doorashadda Xildhibaanadda, gudoonka iyo madaxweynaha.

Talaabadan ayaa sidoo kale waxay ka dhigan tahay in ay saamayn doonto doorashooyinka Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland oo dhammaantood la filayo in ay dhacaan labadan sano ee foodda nagu soo haya gudahood, gaar ahaan inta uusan dhamaanin muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Lama ogga sida arrinkani uga shaqayn doono Jubbaland oo marar badan oo hore ay suurtogali weysay in ay dowladda federaalka dhex gasho doorashooyinka ka dhacayay.

Puntland oo iyaduna doorasho qabanaysa sanadka soo socda ayaa hoos u dhigtay xiriirkii ay la lahayd federaalka taasoo ka dhigan in qodobkani uusan saameyn ku yeelan karin.

Tan iyo intii sanadkii hore dib loosoo doortay Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa soo baxayay saansaan xooggan oo muujinaysa in wasaaradani loosoo celinayo kaalinteedii dowlad goboleedyada.

Wasiirka wasaaraddan Axmed Fiqi ayaa garoonka Muqdisho ku qaabilayey madaxweynayaasha dowlad goboleedyada marka ay caasimadda u tagaan shirka Wadatashiga Qaran.

Waxyaabaha sii xoojinaya kaalinta wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ah in ciidamada federaalka ay haatan si xoogaysan u joogaan inta badan dowlad goboleedyada afarta ah ee Koonfurta iyo Bartamaha, iyada oo markii ugu horeysey ciidamo badan oo federaal ah ay ka hawlgalaan qeybo ka mid ah dhulka Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM