Axmed Madoobe: Al-Shabaab waxaa ka go’an inay dilaan qof walba

Image
Madaxweynaha Jubaland ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka ka fulisay maleyshiyada ee gobolka Hiiraan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha maamul goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa wuxuu si kulul u cambaareeyay weerarka ay maleyshiyadda argagixisadda ah ee Al-Shabaab ay ku dileen 21 qof oo shacab ah degaanka Afar Irdhood ee gobolka Hiiraan.

Qoraal uu ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayuu ku caddeeyay in xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay doonayaan "in ay dilaan qof walba inaga kamid ah".

"Waxaan murugada la qeybsanayaa ehelada dadkii ay jeclaayeen ku wayay musiibada ka dhacday Gobolka Hiiraan ee HirShabeelle halkaas oo kooxaha argagixisada ah ay ku xasuuqeen dad shacab ah oo ay ku jiraan caruur aan waxba galabsan," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Al-Shabaab waxaa ka go’an inay dilaan qof walba oo inaga Mid ah oo ay ku jiraan caruurta iyo haweenka si aan kala sooc lahayn wadada kaliyah ee inoo furan Waa in si wadajir ah aan ugu midowno dagaalkooda iyo in aan ka saaro guud ahaan dalkeena".

"Waxaan ugu baaqayaa bulshada gobolkaas inayna ka niyad jabin dadaaladii ay Sida iskood ah u wadeeen ee la xiriiray dagaalka ka dhanka ah argagixisada," ayuu tibaaxay.

Axmed Madoobe ayaa kusoo xiray: "Habka kaliyaha ee argagixisada aan kaga adkaan karo waa in la qaado howlgalo midaysan oo ay u dhan yihiin Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah iyo istiraatijiyad amni oo midaysan".

In ka badan 20 qof oo rayid ah oo ka soo ambabaxay magaalada Beledweyne kuna sii jeeday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, ayaa la rumeysan yahay in Al-Shabaab ay dileen subaxnimadii hore ee saaka.

In ka badan 20 qof oo rayid ah oo ka soo ambabaxay magaalada Beledweyne kuna sii jeeday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, ayaa la rumeysan yahay in Al-Shabaab ay dileen subaxnimadii hore ee saaka.

Saddex ka mid ah gaadiidka dagaalka oo ay la socdeen maleeshiyaatka Macawiisley una socdeen in ay u gurmadan dadkan ayaa lala eegtay miinooyin dhulka lagu aaso , waxaana laga yaabaa in khasaaruhu intaa ka badan karo.

Shan qof ayaa ku dhimatay gaariga miinada lala eegtey oo ka dhacay Afar Irdood. Dadku waxay ahaayeen gurmadayaal doonayey inay goobta ka soo qaadaan dhaawacyadda.

Xoogaga hubeysan ayaa waxay xaqiijiyeen in ay weerar ku qaadeen inta u dhaxeysa Beledweyne iyo Maxaas. Kooxda ayaa sheegtay in ay dileen 20 ka tirsan "maleeshiyaadka Macaawisley ee deegaanka isla markaana ay burburiyeen 8 gaari oo kuwa xamuulka ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamada Puntland oo Daacish ka saarey saldhigyo muhiim

Kooxda ISIS ayaa waxaa Calmiskaad ku dhisay C/qaadir Muumin 2015, kadib markii uu kasoo goostay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    19-04-2025

  • 07:19AM

Fiqi oo weerar afka ah ku qaaday Madaxa AUSSOM xilli xiriirka Villa Somalia iyo beesha caalamka liito

Hadalka Wasiirka ayaa dhinaca kale imaanaya xilli hoos u dhac ku yimid….

  • Soomaliya

    18-04-2025

  • 05:34AM