Axmed Madoobe oo abaabul ka bilaabay caasimada Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Kulankan ayaa ka dambeeyay kadib hadal dhowaan kasoo yeeray madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Ahmed Mohamed Islaam ayaa xalay kulan casho sharaf ah la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka ee laga soo doortay Jubaland iyo qaar kamid ah xubnaha Xukuumada ku matala Dowlada Jubaland.

"Kulankan ayaa ahaa kala warqaadasho iyo dardaaran uu Madaxweynahu la qaatay masuuliyiinta kala duwan ee Jubaland ku matala Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya," ayay tiri Madaxtooyada Jubaland.

Qoraalka Madaxtooyadda ayaa la raaciyey: "Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii xildhibaanada iyo xubnaha kale ee Jubaland ku matala Dowlada Federaalka ah ay ugu soo noqon lahayeen deegaanka isla markana ay ugu kuur gali lahayeen dadaalada socda iyo howlgalada dhawaan bilaabanaya ee lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah".

"Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada iyo masuuliyiinta kalaba ku casuumay kulan wadatashi ah oo bartamaha bisha soo socota ka dhacaya Jubaland isla markana lagu eegi doono dadaalaada miro dhalka ah iyo howlgalada lagula dagaalamayo argagixisada," ayaa lagu soo xiray bayaanka.

Is-araggan oo u muuqda abaabul uu Axmed Madoobe durba ka bilaabay caasiamdda Muqdisho ayaa kusoo beegmaya iyadda oo madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in dhowaan lagu duuli doono gobolka Jubada Dhexe.

Isaga oo ka hadlaayay magaalada Washinton ee Mareykanka halkaasoo uu booqasho ku joogo, madaxwayne Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in "sanad gudahiisa ay dowladiisa guul kaga keeneyso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab".

“Waxaa socda diyaar garow la doonayo in Al-shabaab looga xoreeyo gobolka Jubbada dhexe ee Koonfurta Soomaaliya, oo ah gobolka keliya ee dalka ka tirsan oo ay malleeshiyada ka taliyaan gabi ahaantooda,” ayuu yiri Maxamuud.

Al-Shabaab ayaa ah khatarta ugu weyn ee nabad-gelyadda iyo xasiloonida Soomaaliya. Dagaalameyaasha argagixisadda ah ayaa sanadihii lasoo dhaafay ku xoogeystay qaybo kamid ah dalka sababo ku aadan in aysan wajahin dagaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM