Axmed Madoobe oo baaq kasoo saarey gulufka Al-Shabaab

Image
Madaxweynaha Jubaland ayaa fariintan waxa uu u diray saraakiisha ciidamadda iyo dadweynaha.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay gudoomiyay kulan lagaga hadlayay dardar galinta howlgalada kasocda deegaanada Jubaland ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay xafiiska warfaafinta Madaxtooyada Jubaland ayaa lagu xusay in Axmed Madoobe uu warbixin la xiriirta howlgalada socda ka dhagaystay Sarakiisha Ciidamada.

"Kulanka Waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga General Yusuf Osman iyo taliyayaasha Ciidamada iyo Hay’adaha amniga Jubaland iyo Ciidamada Xooga dalka," ayaa la raaciyey bayaanka.

Axmed Madoobe ayaa "uga mahad celiyay shaqada adag ee ay hayaan Ciidamada kala duwan ee Howlgalka ku jira kuwaas oo jab xoogan gaarsiiyay maalmahii lasoo dhaafay kooxaha Khawaariijta ah".

Howlgalada ayuu "ka dhawaajiyey in ilaa hadda la sameeyay laga gaaray guulo wax ku ool ah oo ay ku diirsadeen shacabka loona baahan yahay in lasii joogteeyo si cadowga la isku raaciyo".

Shacabka Jubaland ayuu ugu baaqay inay garab istaagan Ciidamada howlgalada ku jira oo u dhimanaya una dhaawacmaya sidii Khawaariijta looga hor wareejin lahaa shacabka ay dhibka ku hayaan.

Howlgaladda ka bilowday Jubbooyinka ayaa lagu waramay in uu qeyb ka yahay wajiga labaad ee gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab isla markaana ay taageerayaan qaar kamid ah dowladda dariska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM