Axmed Madoobe oo baaq soo saarey kadib weerarkii Hotel Tawakal

Image
Ugu yaraan sagaal qof oo ay ku jiraan arday ayaa ku naf-waayay duulaankan ku bilowday is-qarxinta.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa si kulul uga hadlay weerarkii fuleynimada ahaa kooxaha Khawaarijta ah ay kuso qaadeen hotel Tawakal hayeeshee sidii ay damacsanaayeen aysan waxbo ugu hirgalin.

Axmed Madoobe oo qoraal kooban ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa ugu baaqay shacabka in ay "u diyaar garoobaan sidii argagixisada hororka ah dalkeena aan uga cirib tiri lahayn".

Sida laga soo xigtey madaxwayne Axmed Madoobe, ciidamada ayaa "ilaa daqiiqadahii u danbeeyay naftooda u hurayay sidii ay usoo badbaadin lahayeen dadka shacabka ahaa ee ku xayiraa dhismaha".

"Waxaan tacsi u dirayaa dadka aan waxba galabsan ee ku waxyeeloobay qaraxii maanta ka dhacay hotelka Tawakal ee Magaalada Kismaayo halkaas oo argagixisadu ay doonaysay inay ku layso dad badan oo shacab ah balse ay qaar badan oo dadweynahii goobta ku sugnaa ah ay soo badbaadiyeen Ciidamada amniga," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan bogaadinayaa dhammaan Ciidamada kala duwan ee mudada koobaan kusoo afjaray weerarkii argagixisada anigoo Alle uga baryaya inuu janadii fardowso ka waraabiyo dadkii ku shahiiday goobta si gaar ahna Ciidamadii ilaa daqiiqadahii u danbeeyay naftooda u hurayay sidii ay usoo badbaadin lahayeen dadka shacabka ahaa ee ku xayiraa dhismaha".

"Waxaan ugu baaqaya dhammaan dadka Soomaaliyeed inay u duceeyaan shuhadada aan maanta ku waynay weerarka hotel Tawakal ayna u diyaar garoobaan sidii argagixisada hororka ah dalkeena aan uga cirib tiri lahayn," ayuu kusoo xiray.

Wasiirka Amniga gudaha Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan oo warbaahinta Dowladda la hadlay ayaa xaqiijiyey in 9 qof ay ku naf-waayeen weerarkan ayna ku dhaawacmeen ku dhowaad 47 kale oo ay ku jiraan arday jidka mareysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM