Axmed Madoobe oo baaq soo saarey kadib weerarkii Hotel Tawakal

Image
Ugu yaraan sagaal qof oo ay ku jiraan arday ayaa ku naf-waayay duulaankan ku bilowday is-qarxinta.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa si kulul uga hadlay weerarkii fuleynimada ahaa kooxaha Khawaarijta ah ay kuso qaadeen hotel Tawakal hayeeshee sidii ay damacsanaayeen aysan waxbo ugu hirgalin.

Axmed Madoobe oo qoraal kooban ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa ugu baaqay shacabka in ay "u diyaar garoobaan sidii argagixisada hororka ah dalkeena aan uga cirib tiri lahayn".

Sida laga soo xigtey madaxwayne Axmed Madoobe, ciidamada ayaa "ilaa daqiiqadahii u danbeeyay naftooda u hurayay sidii ay usoo badbaadin lahayeen dadka shacabka ahaa ee ku xayiraa dhismaha".

"Waxaan tacsi u dirayaa dadka aan waxba galabsan ee ku waxyeeloobay qaraxii maanta ka dhacay hotelka Tawakal ee Magaalada Kismaayo halkaas oo argagixisadu ay doonaysay inay ku layso dad badan oo shacab ah balse ay qaar badan oo dadweynahii goobta ku sugnaa ah ay soo badbaadiyeen Ciidamada amniga," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan bogaadinayaa dhammaan Ciidamada kala duwan ee mudada koobaan kusoo afjaray weerarkii argagixisada anigoo Alle uga baryaya inuu janadii fardowso ka waraabiyo dadkii ku shahiiday goobta si gaar ahna Ciidamadii ilaa daqiiqadahii u danbeeyay naftooda u hurayay sidii ay usoo badbaadin lahayeen dadka shacabka ahaa ee ku xayiraa dhismaha".

"Waxaan ugu baaqaya dhammaan dadka Soomaaliyeed inay u duceeyaan shuhadada aan maanta ku waynay weerarka hotel Tawakal ayna u diyaar garoobaan sidii argagixisada hororka ah dalkeena aan uga cirib tiri lahayn," ayuu kusoo xiray.

Wasiirka Amniga gudaha Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan oo warbaahinta Dowladda la hadlay ayaa xaqiijiyey in 9 qof ay ku naf-waayeen weerarkan ayna ku dhaawacmeen ku dhowaad 47 kale oo ay ku jiraan arday jidka mareysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM