Axmed Madoobe oo hogaan cusub u magacaabay gobolka Gedo

Image
Talaabadan ayaa waxay imaanaysaa xilli xiisada gobolka aan laga gaarin xal la shaaciyey.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], ayaa hogaan cusub waxa uu u magacaabay maamulka gobolka Gedo, sidda uu shaaciyey xafiiskiisa.

Sidda ku xusan wareegtadda, Cabdullahi Cabdi Jaamac ayaa loo xushay Gudoomiyaha Gobolka Gedo, halka Cusmaan Nuux Xaaji ( Macalimu)  laga dhigay Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasada.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADDA

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY HOGAAMINTA CUSUB EE MAAMULKA GOBOLKA GEDO.

Tix-raac: XM/DGJS/031/2023

UJEEDDO: MAGACAABIS MAAMULKA GOBOLKA GEDO.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Markuu arkay: Dastuurka Dowlada Jubaland, Cutubkiisa nad, Qodobka 72aad, Fargada (5aad) ee ku aadan awooda madaxweynaha, ee magacaabida xubnaha Golaha Fulinta Jubaland;

Markuu Garwaaqsaday: Muhiimada ay leedahay in maamul loo sameeyo gobolka Gedo;

Markuu Latashaday: Madaxweyne ku-xigeenada Dowlada Jubaland.

Wuxuu Madaxweynaha Dowlada Jubaland u magacaabay,

1. Cabdullahi Cabdi Jaamac —Gudoomiyaha Gobolka Gedo.
2. Cusmaan Nuux Xaaji ( Macalimu) —G/Kuxigeenka Amniga & Siyaasada.
3. Nasteex Cabdi Saalax —G/ Kuxigeenka Maaliyadda.
4. Ibrahim Madoobe Maxamed —G/Kuxigeenka Arrimaha Bulshada.
5. Maxamed Xuseen Isaaq (Qaadi) —G/Kuxigeenka Maamulka ahna Xoghayaha Gobolka

Waxay Magacaabistani dhaqan galaysaa marka uu Madaxweynuhu sixiixo Wuuna sixiixay.

DHAMMAAAD.


Magacaabidan ayaa waxay kusoo hagaagaysaa xilli dhowrkii maalmood lasoo dhaafay ay xiisad ka taagneyd gobolka taas oo sababtey in muddo ka badan todobaad aysan diyaarad ka dagin magaalada Doolow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM