Axmed Madoobe oo ka falceliyey doorashadda Sheekh Shaakir

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa ka falceliyey jahwareerka siyaasadeed ee ka jira Galmudug iyo warkii kasoo yeeray dowladda Soomaaliya ee baxsashada wasiir Cabdirashiid Janan.

Axmed Madoobe ayaa mowqifkiisa ku caddeeyay hotel Kempinski ee Nairobi halkaasoo lagu qabtay munaasabad lagu soo dhaweeyay dhigiisa Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Isagoo muujiyey sidda uu uga xun-yahay xaalada Galmudug, xukuumadda federaalka ayuu tibaaxay in ay mas'uul ka tahay qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dowlad goboleedkaas.

"Inta aan meesha fadhinay waxaan maqlayey madaxweyne laga doortay Galmudug, Sheekh Shaakir, Gaalkacyo midbaa laga dooranayaa, Dhuusamareeb mid kalaa laga dooranayaa, Jubaland intaan oo qasey ku wadaan," ayuu yiri.

Mar uu soo hadal-qaadey xaaladda wasiirkii amniga Jubaland ayuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka ka doonayaan in ay ka jawaabto su'aalo ku geedaaman "fakashada Janan".

"Qaska wuxuu gaarey wasiirkii amniga Jubaland oo la qabtay oo intii la afduubay oo si sharci ah intii lagu qabtay dowladdu xirtay in haddana la yiri 'wuu baxsaday' waa nin dowladdi hayso wuu baxsaday, xagee buuu baxsaday, sidee ayuu u baxsaday wax loo jiro ma ahan, waa jawaabaha laga sugayo in ay bixiso dowladda dhexe," ayuu raaciyey.

Dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ku waaniyey "war ammaanada aad qaadeenna soo celiya, dowladnimaddana hala ilaaliyo".

Ugu dambeyntii, madaxweyne Axmed Madoobe ayaa carabka ku adkeeyay in kooxaha argagixisadda ah looga adkaan karo iyaddoo door muuqda ay shacabka ka qaataan sidii xididaha loogu siibi lahaa maleeyshiyaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM