Axmed Madoobe oo ka hadlay xulista xubnaha Aqalka Hoose

Image
Image
Dhawaqan ayaa imaanaya xilli ay calaamad su'aal dul-hoganeyso qaabka uu u maareynayo kuraasta Garbahaarey.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Madaxweynaha ayaa golaha warbixin ka siiyay xaalada amniga iyo arrimaha doorashooyinka ee Jubaland oo "meel wanaagsan maraya" gaar ahaan doorashooyinka xubnaha aqalka hoose.

Wasaarada xanaanada xoolaha ayaa faah faahin ka bixisay xanuuno wakhtiyadii u danbeeyay ay ka cabanayeen dadka xoolo dhaqatada ah oo soo ritay xoolaha nool isla markana ay usii dheertahay abaaraha ka jira dalka.

Wasaarada ayaa soo bandhigtay hanaan wax lagaga qabanayo xanuunadaas isla markana daawayn loogu samaynayo xoolaha kala duwan ee lagu arkay xanuunadan.

"Dhinaca kale Wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka ayaa golaha warbixin ka siisay shaqooyinka Wasaarada ee hortabinta leh wakhtiyada soo socda," ayay madaxtooyaddu tiri.

Jubaland ayaa illaa haatan soo xushay 15 oo kamid ah xubnaha afarta sano ee soo aadan ku matali doona Aqalka Hoose baarlamaanka federaalka waxaana u haray xulista 28 kursi.

Qaabka uu maamulkan u maareeyo qabashadda doorashadda 16-ka kursi ee yaala magaalada Gabahaarey ee gobolka Gedo ayaa isha lagu haayaa maadaama ay maamusho dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM