Axmed Madoobe oo ka warbixiyey howlgalo laga sameeyay Jubaland

Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada ee Maanta oo Khamiis ah.

Ugu horayn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka warbixiyay howlgalada Ciidamada amaanka iyo Xaalada Ciidamada ku sugan furimaha isagoo xusay in ay hayaan shaqo adag oo ay dadka shacabka ah kaga badbaadinayaan Argagixisada.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in howlgalo ay sameeyeen khasaare adag lagu gaarsiiyay Argagixisada iyadoo meelaha qaara Ciidamadu ay kala wareegeen.

Wasaarada Beeraha ayaa ka warbixisay qaybo kamid ah deegaanada Jubbaland oo uu soo gaadhay Ayaxa ku habsaday qaybo badan oo kamid ah dalka waxaana Wasaaradu ay sheegtay in 20km uu ku habsaday iyadoo meelaha Jubbaland kamid ka ah ee ilaa hada lagu arkay ay tahay Degmada Beledxaawo iyadoo Wasaaradu ay sheegtay in dadaal loogu jiro sidii wax looga qaban lahaa.

Wasaarada Deegaanka iyo Dalxiiskuna waxaa ay ka warbixisay shir lagaga hadlayay cimilada sii xumanaysa iyo isbadalada ka dhashay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho iyadoo Wasaaradu ay sheegtay in go’aamada iyo talooyinka shirkaas kasoo baxay ay yihiin kuwo wax badan ka tari kara isbadalka cimilada iyo sidii saamaynteeda loo yarayn lahaa.

Wasaarada Dhalinyaradana waxaa ay warbixin ka bixisay Shir lagaga hadlayay shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho si loo yareeyo tahriibka iyo falalka ka dhasha marka dhalinyaradu ay shaqo la’aan ku dhacdo si aan looga faa’iidaysan figradaha cagjirka iyo mukhaadaraadka.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM