Axmed Madoobe oo Kismaayo ka furay shirka maaliyadda Soomaaliya

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa daah furay shirka wasiirada Maaliyada dalka oo diirada lagu saarayo maaraynta maaliyada shacabka iyo hanaanka dayn cafinta.

Shirkan oo in muddo ah soo socday ayaa waxaa ka qaybgalaya Wasaarada Maaliyada Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Axmed Madoobe ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dalkeena laga cafiyo daynta uu aduunku ku leeyahay si ay u soo noqoto sharaftii iyo hufnaantii hanaanka maaliyada dalka.

"Taas oo ah wax muddo ay sugayeen shacabka Soomaaliyeed," ayuu Madaxweyne Axmed ka yiri furitaanka shirka oo Sabtida maanta ah ka furmay Kismaayo, caasimadda Jubaland.

Kulamo noocaan ah ayaa horey uga qabsoomay magaalooyin ka tirsan maamuladda dalka iyo qaar kamid ah dowladaha caalamka, iyaddoo shirkii u dambeeyay uu ka qabsoomay Itoobiya.

Guddiga sarre ee Hay'adda Lacagta Aduunka ee IMF ayaa dhowaan meelmariyey qorshaha maalgelinta qaan-dhaafka Soomaaliya oo sahlaya in dowladaha caalamka ay taageeraan.

Deynta Soomaaliya looga leeyahay caalamka ayaa waxay gaareysaa 5 bilyan oo Doolar, iyaddoo Mareykanka dhowaan iclaamiyey in uu cafinayo hal bilyan oo uu ku leeyahay xukuumadda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM

Puntland oo xoojisay la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah

Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa inay sanadkii ku lumiso ku dhowaad 300 milyan oo doollar kalluumaysiga sharci-darrada ah.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 12:13PM