Axmed Madoobe oo Kismaayo ku qaabiley Madeira

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubaland Ahmed Madoobe, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira, iyo masuuliyiin kale oo ka socotay howglalka AMISOM.

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay howlgalada amni ee wadajirka ah iyo sidii la iskaga kaashan lahaa sugida amniga Doorashooyinka Jubaland.

Waxaa kulankan Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiirka amniga Mudane Janaraal Yusuf Xuseen Cismaan dhuumaal iyo sarakiisha hay’adaha amniga.

AMISOM ayaa booliskeeda waxay ka taageerayaan dowladda Soomaaliya sugida amaanka doorashooyinka dalka, waxaana la geeyay Gobolada marka laga reebao Puntland.

Jubaland ayaa isku diyaarinaysa inay billowdo doorashadda, waxaana wali aan xal laga gaarin arinta Gedo, oo la filayay inuu Madaxweynaha magacaabo gudoomiyaha iyo ku xigeenka Garbahaarey, halkaasoo 16 kursi lagu dooran doono.

Jubaland ayaa kamid ah meelaha cabqadaha doorashada ka jiraan, oo keenay dib u dhacyada, maadaama labada degaan doorasho ee loo qoondeeyay midkooda aan heshiis lagu ahayn, taasoo ah Garbahaarey.

Puntland, HirShabeelle iyo Jubaland ayaan wali billaabin doorashada Aqalka Hoose, iyadoo ay soo baxayaan caqabado cusub oo keeni kara dib u dhac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM