Axmed Madoobe oo la kulmay Ergayga Midowga Afrika xili xiisad ka jirto Gedo

Image

KISMAAYO – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee Kismaayo ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, oo ay weheliyaan xubno sare oo ka tirsan ATMIS.

Kulanka, oo ku qabsoomay jawi degan, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda dalka, arrimaha amniga gobolka, iyo dadaallada ka socda Jubaland ee lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab. Waxaa sidoo kale laga wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Jubaland iyo hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Danjire Diene ayaa muujiyay taageerada uu Midowga Afrika u hayo dadaallada Jubaland, isagoo si gaar ah u bogaadiyay guulaha laga gaaray xoreynta deegaanada iyo sugidda amniga. Wuxuu xusay in Jubaland ay door muhiim ah ka ciyaartay xasillinta koonfurta Soomaaliya, taas oo muhiim u ah amniga guud ee dalka.

Booqashadan ayaa timid xilli xiriirka siyaasadeed ee Jubaland iyo Dowladda Federaalka uu weli cakiran yahay, gaar ahaan kadib markii Villa Soomaaliya ay si cad u diidday natiijadii doorashadii dib loogu doortay Madaxweyne Axmed Madoobe. Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale si adag uga falcelisay booqashadii hore ee uu Wakiilka Qaramada Midoobay, James Swan, ku tagay magaalada Kismaayo.

Safarka wakiilka Midowga Afrika ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xoojinta xiriirka hay’adaha caalamiga ah iyo maamullada dalka, xilli ay jiraan baaqyo ku saabsan in la xoojiyo wadashaqeynta heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM