Axmed Madoobe oo la kulmay wakiilka Qaramada Midoobay

Image
Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha amniga iyo bilowga Wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyadda ku qaabilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminaysay.

Axmed Madoobe oo ay wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenka koobaad Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo masuuliyiinta Madaxtooyada ayaa Wakiilka Qaramada Midoobay la yeeshay wada hadalo miro dhal ah oo la xiriira xaalada guud ee dalka.

Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha amniga iyo bilowga Wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada oo diyaar garoowgiisu uu maraya meel gabo gabo ah, xasilinta deegaanada la xoreeyay iyo gaarsiintaa gargaarka dadka ku tabaaloobay masiibooyinka dabiciiga ah iyo isbadalka cimilada aduunka.

Waxaa kale oo laga hadlay heshiiska madasha wadatashiga qaranka ee dalka loogu jiheeyay Doorashooyin dadweyne Sanadka soo socda iyo tageerada beesha Caalamka ee dhinacyada kala duwan.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa Madaxweynaha uga mahad celisay soo dhawaynta diiran ee ay kala kulantay Dowlada Jubaland iyadoo sheegtay in ay ku faraxsan tahay in ay timaado Jubaland oo ay ugu danbaysay sanadkii 1992dii isla markana ay ku aragtay isbadalo badan oo dhinaca hormarka.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa u mahad celiyay Danjire Catriona Laing iyo wafdigeeda booqashada ku yimid Jubaland isagoo xusay in wada hadalo miro dhal ah ay ka yeesheen dhinacyo badan.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dagaalka Al-Shabaab Wajiga labaad si fiican loogu diyaar garoobayo isla Markana dhawaan uu bilaabanayo.
Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu xusay in loo baahan yahay in xasilinta deegaanada la xoreeyay ahmiyad gaar ah la siiyo si adeegyada aas aasiga ah loo gaarsiiyo dadka halkaas ku nool.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xaalada gobolka Gedo ay Jubaland diyaar u tahay in wixii kala aragti duwanaan siyaasadeed lagu dhameeyo wada hadal balse uuna jirin khilaaf u dhexeeya dadka Deegaanka iyo Dowlada Jubaland dadkuna ay soo dhaweeyeen maamulkii dhawaan la magacaabay isla markana caqabada gobolka ay salka ku hayso dhibaatada uu abuuray rajiimkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM