Axmed Madoobe oo laga dalbadey xalka kuraasta gobolka Gedo

Image
Gobolkan waxaa taala 16 kursi oo ay si weyn isha ugu hayaan daneeyeyaal kala duwan.

KISMAAYO, Jubaland - Golaha Fulinta iyo Baarlamaanka maamul goboleedka Jubaland ayaa Axada maanta ah wuxuu qoraal wadajir ah kasoo saarey xaaladda "halista ah" ee ka taagan gobolka Gedo.

Bayaankan oo nuqul kamid ah uu arkay warisdaha Garowe Online ayaa ayaa ugu baaqay madaxwayne Axmed Madoobe in uu raadiyo xal lagu qaban karo doorashada 16-ka kursi ee gobolkaas.

Doodan ayay u cuksadeen "maadaama NISA ay halkaas ku daabushay ciidanka Duufaan oo abuuray xaalado ku dhisan cabsi-gelin iyo hurin colaadeed oo horseedi karta gacan ka hadal toos ah".

Degaan doorashadda kuraasta taala gobolkan waa Garbahaarey. Heshiiska 27-dii May ee golaha wadatashiga qaranka wuxuu xeerinayaa in Jubaland ay maamul u magacowdo magaaladan lamana fulin.

Ma cadda dhinaca uu ka fuliyey. Balse, labada dhinac wuxuu midba kan kale ku eedeynayaa in uu horseedayo carqalada. Xaqiiqaduse waa in dowladda federaalka ay ciidamo geysay magaaladda.

Gobolka Gedo ayaa qayb ka ah meelo kamid ah Soomaaliya oo laga soo sheegay abaar saameysay dan iyo duunyo. Dhibaneyaasha waxaa la wariyey in aysan helin kaalmo bini'aadanimo oo ku filan.

"In ka badan 250 deegaan guud ahaan Jubaland ayaa la gaarsiiyay gurmad kala duwan oo isugu jiro cuno iyo biyo, sidoo kale waxaan meelaha qaar la geeyay howlwadeeno iyo dhakhaatiir caafimaad oo la tacaala xanuunka COVID19 oo meelaha qaar aad ugu faafay," ayuu todobaadkii hore yiri madaxwayne Axmed Maxamed Islaam.

Maamulka Farmaajo ayaa kuraasta taala gobolkan wuxuu ka door-bidey in doorashooyinka Soomaaliya waqtigooda ku dhacaan wuxuu u burburiyey dhowr heshiis iskana indhatiray u gargaarida dadka.

"Waxaa xusid mudan Mashaariicdii horomarineed iyo kuwa Xaaladaha degdegga ah ee sanadihii 2017, 18 ilaa 2019 Loo qoondeeyey Dowladda Jubbaland, G/Gedo wuxuu ka helay 67.8% ka fiiri Sanduuqa Dhaqaalaha Soomaaliya (SSF)," ayuu asbuucii yiri madaxwayne ku xigeenka koowaad ee Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan.

Xiriirka Jubaland iyo maamulka Farmaajo ayaa aad u hooseeyay shantii sano ee lasoo dhaafay. Doorashada waxay dadka maamulkan u leedahay macno wayn waana horseedka isbedel-doonka waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland: Dowladda Soomaaliya waxay colaad ka hurinaysaa gobolka Gedo

Golahu wuxuu bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda Puntalnd ka gaareen dagaalka Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 06:10PM

Dowladda Soomaaliya oo Bogaadisey Ciidamada Puntland ee Ka Dagaallamaya Cal-Miskaad

Golaha Wasiirrada ayaa ugu dambeyntii sheegay in taageerada dowladda ay si joogto ah ugu socon doonto ciidamada Puntland.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 11:39AM