Axmed Madoobe oo lagala hadlay dhamaystirka golayaasha degaanka

Image
Madaxweynaha Jubaland ayaa qadiyadan iyo arrimo kale kala xaajoodey safiiro uu kula kulmay Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Muqdisho waxa uu kulan la qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.

Kulanka oo ay qayb ka ahaayeen Wasiiradda Arimaha gudaha, Caafimaadka iyo Madaxtooyada ayaa lagaga hadlay dhamaystirka golayaasha Degaanka Jubaland iyo tageerada mashariicda kala duwan ee ka socda Jubaland.

Geesta kale, Axmed Madoobe oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann, ayaa kala xaajoodey tageerada ay Midowga Yurub ku bixiso dib u dhiska Dalka iyo mashariicyada kale duwan ee ay ka fuliyaan deegaanada Jubaland kuwaa oo ay ugu horeeyaan Arimaha ammaanka iyo hormarinta deegaanka.

"Midowga Yurub ayaa sidoo kale Jubaland ka tageeraya dhismaha golayaasha Deegaanka oo afar degmo oo kamid ah dhawaan la bilaabayo.
Wasiirada Arimaha gudaha, Caafimaadka iyo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Jubaland ayaa kulanka qayb ka ahaa," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Axmed Madoobe.

Dhinaca kale, madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku xigeenka Safiirka Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ahna ku simaha Safiirka Tim Trenkle iyo qaar kamid ah saraakiisha Ciidamada AFRICOM kala sheekeystay tageerada Maraykanka ee dhinacyada kala duwan gaar ahaan dagaalka argagixisada iyo howlgalka ay ciidamada Jubaland ka wadaan deegaanada kala duwan ee Jubaland.

"Sidoo kale Waxaa Kulanka lagaga hadlay tageerada Dowlada Maraykanka ee dhismaha golayaasha Deegaanka oo afar Degmo oo kamid ah Jubaland dhawaan laga qaban doono doorashooyinka golaha Deegaanka. Kulanka Waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiirada Arimaha gudaha, Caafimaadka iyo Madaxtooyada," ayuu raaciyey xafiiska madaxweynaha Jubaland.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa waxa uu kulan la qaatay safiirka Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis.

"Mdaxweynaha Jubaland iyo safiirka UK ee Soomaaliya ayaa kawada hadlay xaaladda guud ee dalka, iyo tageeradda Dowladda UK ee dhinacyadda hormarka iyo ammaanka," ayuu kusoo afmeeray xafiiska Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM