Axmed Madoobe oo mar kale usoo gurmaday Xasan Sheekh Maxamuud

Image
Madaxweynaha Jubaland ayaa la sheegay inuu xalay heshiis kale dhex-dhigay Xasan Sheekh iyo Laftagareen.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa mar kale u soo gurmaday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sidda uu illo xog-ogaal ah ka ogaadey warsidaha Garowe Online.

Axmed Madoobe oo xukunka haya tan iyo 2025-kii ayaa, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo, waxa uu xalay heshiis dhex dhigay Xasan Sheekh iyo Laftagareen. 

Xasan Sheekh ayaa waxa uu booqan doontaa magaaladda Baydhabo si uu wadahadalo qoto-dheer ula yeesho Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Laftagareen ayaa waxaa lasoo wariyay in uu doonayo in uu ka qayb galo shirka soo socda ee Golaha Wadatashiga Qaranka kaasoo qorshuhu yahay inuu ka qabsoomo magaaladda Muqdisho 25-ka bisha September.

Heshiiska ay gaareen Xasan Sheekh iyo Laftagareen ayaa waji gabax waxa uu ku yahay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Gudoomiye Aadan Madoobe kuwaasoo horey isugu dayay in ay isku-soo-dhaweeyeen labada mas’uul.

Xamse ayaa u socdaalay magaalada Baydhabo todobaadkii lasoo dhaafay isaga oo wadahadalo uu la yeeshay Laftagareen aysan mirodhalin halka Aadan Madoobe uu isagoo joogay Muqdisho ku guuldareystay inuu xal waafi ah keeno.

"Waa labo midkood un: in Laftagareen uu dareensanaa in Xamse iyo Aadan Madoobe aysan talada ka go'in ama in uu qadariyay soddogiisa Taliye Mahad," ayuu yiri Cabdullaahi Nuur oo ka faallooda Arrimaha Soomaaliya.

Sikastaba ha ahaatee, lama sii saadaalin karto inta uu jiri doono heshiiska horudhaca ah ee Xasan iyo Laftagareen maadaama labadii sano lasoo dhaafay oo isku-dhawaayeen ay si lama filaan ah mar qura kuwaadeen in ay gacanta bidix isku-salaamaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dadaallo Lagu Raadinayo xalka Khilaafka Doorashooyinka oo ka billowday Muqdisho

Labada dhinac ayaa isku afgaray in berri dib loo isugu soo laabto si loo sii wado wadahadallada loona xalliyo qodobbada harsan.

  • Soomaliya

    19-02-2026

  • 02:10PM

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM