Axmed Madoobe oo muddo dheer kadib dib usoo muuqday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dib uga soo muuqday saaxada siyaasadda kadib markii uu dhawr bilood ku maqnaa dalka dibediis.

Sida illo xog ogaal ah u sheegeen Garowe Online, Axmed ayaa xaalado caafimaad ugu maqnaa dalka Kenya iyo Imaaraatka Carabta, halkaas oo uu la sheegay in uu aad u yareeyay shaqadiisa siyaasadda, islamarkaasna hawlaha Jubbaland ay sii kala wadeen dad uu ku kalsoonyahay iyo madaxweyne ku xigeenada.

Axmed ayaa intii uu maqnaa waxaa loo sameeyay muddo kordhin hal sano ah, taas oo keentay buuq siyaasadeed oo kooban, balse farriin baaq ah oo horey looga duubay ayaa lagu soo bandhigay warbaahinta dowladda markii uu buuqaasi soo baxay, isaga oo farriinta ku sheegay in wax kasta lagu xalin doono dib u heshiisiin iyo wadahadal.

Madaxweyne Axmed oo shalay gaaray Kismaayo, ayaa isla maanta usii gudbay Muqdisho, halkaas oo la filayo in uu kaga qeybgalo shirka madaxda dowlad goboleedyada iyo kuwa federaalka.

Axmed ayaa qodobka ugu weyn ee uu shirka la tagayo uu yahay kan ku saabsan in maamulka Gedo lagu soo wareejiyo Jubbaland , sidoo kalena si dhab ah looga wada hadlo arrimaha amniga.

Dhinaca kale warar ayaa sheegaya in xiriirka Axmad Madoobe iyo Xasan Shiikh wanaagsan yahay iyadoo ay jiraan heshiis qarsoodi ah oo Villa Somalia wax ka ogtahay kaas oo la xiriira dekada Kismayo. Xogta ayaa sheegeysa in dowlada Imaraadka daneyneyso heshiis lagula galo dekada Kismaayo. 

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Xamar tagaya xilli lasoo warinayo in uusan fiicnayn xiriirka uu la leeyahay qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in madaxda dowlad goboleedyada aysan wada xaadiri doonin shirkan uu gogosha fidiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana la filayaa in shirka uu noqdo shir hal maalin ah oo aanan lagu wada dhamayn karin arrimaha taagan oo dhan.

Madaxweynaha Federaalka ayaa doonaya in uu la kulmo madaxda ka hor inta uusan ka qeybgalin shirka Golaha Loo Dhanyahay ee Jimciyadda Quruumada Ka dhaxaysa.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM