Axmed Madobe oo Nairobi kula kulmay Guddiga Dastuurka Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madobe] oo ku sugan Nairobi ayaa halkaas kulan kula yeeshay xubnaha Guddiga Dastuurka ee labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo uu xaadir ku ahaa Gudoomiyaha Guddiga Senator Axmed Xasan Cawaale [Qeydiid] ayaa waxaaa lagu fallanqeeyay qorshaha dib u eegista Dastuurka dalka, kaasoo laga furay bishaan Muqdisho, balse aan Jubbaland ka qeybgalin.

Ugu horeyn, Senator Qeydiid ayaa Axmed Madobe uga xog waramay waxybaahihii kasoo baxay shirka Muqdisho, isagoona u sheegay inay ahaayeen qodobo dhamaantooda leysku raac-san yahay oo lagu billaabey qorshaha dib u eegista Dastuurka.

Qaar kamid ah xubnaha Guddiga oo kulanka hadalo kooban ka jeediyay ayaa sheegey inay rajeynayaan in Dastuurka uu noqdo mid ay Soomaalida oo dhan leedahay, islamarkaana ka fogaada gacmo kale.

Madaxweyne Axmed Madobe oo hadlay ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in talaabo walba oo ay qaadayaan Guddiga ay wax kala socod siiyaan madaxda maamulada dalka, oo dhawaan lix xubnood oo matala usoo direen Muqdisho.

Madobe ayaa u sheegay xubnaha Guddiga inay ka feejig-naadaan in Dastuurka uu galo markale gacmo shisheeye, islamarkaana la marin habaabiyo ama la xado, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland.

Guddiga ayaa u jooga Nairobi howlo shaqo iyadoo Isbuucaan halkaas ku yeeshay shir ku saabsan dar-dar gelinta howlaha dib u eegista Dastuurka dalka, kaasi oo dadka qaar aaminsan yihiin inuu noqday mashruuc dhaqaale lagu cuno.

Soomaaliya hada malahan Dastuur rasmi ah, waxaana kan hada ay ku shaqeyso dowlada uu yahay mid KMG ah, waxaana qorshuhu yahay in sanadka 2019 uu dalka uu yeesho Dastuur rasmi ah kahor doorashada 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM