Axmed Madoobe oo shaaciyey mowqifkiisa dagaalka gobolka Sool

Image
Madaxweynaha Jubaland ayaa sidoo kale waxa uu soo qaadey xiisadda siyaasadeed ee gobolka Gedo.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay Xarunta Daawad ee Magaalada Kismaayo kaga qeybgalay munaasabadda 63 guurada kasoo wareegtay markii ay xornimada ka qaateen Gobollada Koonfureed gumeystihii Talyaaniga Iyo israacii Labada Gobol ee Wagooyi yo Koonfur.

Munaasabadan oo ammaankeeda aad loo adkeeyay ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlada, saraakiisha Ciidamada iyo dadweyne kala duwan.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in muhiimad weyn ay u leeyahiin bulshada Soomaaliyeey maalmahan xoriyada oo ay tahay in la xusuusto dadaalkii iyo naf huridii ay aabayaasheen usoo mareen xornimada dalkeena.

Madaxweynaha ayaa xusay in iyadoo ay taasi jirto hadana wali baadigoobkii Midnimada dalkeenna ay wali taagan tahay maadama ay maqan yihiin gobolada waqooyi si taas loo gaarana ay ku xiran tahay is qancin iyo wada hadal.

Dagaalada gobolka Sool ayuu sheegay "in laga baaqsan karay wada hadal wax lagu wayayna aan xabad iyo xoog lagu heli karin, isagoo xusay in loo baahan yahay in dagaalka si shuruud la’aan ah lagu joojiyo dadka deegaanadaas ku noola ay xaq u leeyahiin in aayahooda ay ka tashadaan".

Dhinaca kale, waxa uu bogaadiyay howlgalada Ciidamada Jubaland iyo Ciidamada Xooga dalka ay ka wadaan qeybo badan oo kamid ah Jubaland iyagoo isku furay wadooyinka degmooyinka gobolka Jubada hoose ee xorta ah.

Howlgaladan ayuu caddeeyay qeyb ka yihiin wajiga labaad ee dalka lagaga xoraynayo kooxaha argagixisada ah loona baahan yahay in la joogteeyo si ayna awood ugu yeelan inay dib ugu soo noqdaan goobaha la xoreeyay taas oo dhibaato ay kasoo gaari karto dadka shacabka ah hadii fursad loo siiyo inay dib isku soo abaabulaan.

Kala aragti duwanaansha iyo tabashooyinka jira ayuu xusay mar walba ay tahay in lagu xaliyo wada hadal iyo is qancin Dowlada Jubalandna ay diyaar u tahay cid walba oo ka fikir duwan inay geedaha hoostooda iyo miiska wada hadalka la fariisato.

"Madaxweynaha ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ree Gedo iyo guud ahaan ree Jubaland ay tahay wixii kala fikir duwanaan ah in wada hadal lagu dhameeyo midaasna hada laga shaqaynayo," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraal kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Madaxwayne Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

 Soomaaliya oo laga reebay dalalka Muwaadiniintooda Fiisaha Kenya loo fududeeyay

Soomaaliya ayaa laga reebay sababo la xiriira amniga, sida Liibiya oo ku taalla waqooyiga Afrika.

  • Soomaliya

    22-01-2025

  • 09:27AM

Taliyaha Ciidamada Israa'iil oo Fashil dartiis isku casilay

Hoggaamiyaha mucaaradka ee Israa'iil Yair Lapid ayaa ku amaanay Halevi go’aanka uu ku istaagay, isagoo ku baaqay in Netanyahu uu ku daydo.

  • Soomaliya

    22-01-2025

  • 07:10AM