Axmed Madoobe oo Xamza ku sifeeyay "shaqsi hufnaan iyo karti leh"

Image
Madaxweynaha Jubaland ayaa bogaadiyey magacaabida Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Hambalyo u diray Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Xamze Cabdi Barre oo xalay uu xilkaas u magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Axmed Madoobe ayaa, sida laga soo xigtey xafiiskiisa warfaafinta, wuxuu tilmaamay in Mudane Xamze Cabdi Barre uu yahay shaqsi hufnaan iyo karti u leh gudashada xilka Cusub ee loo magaacay.

Shaqooyinka wanaagsanaa ee uu dalka kasoo qabtay ayuu xusay in lagu xasuusto, isagoo wakhtigiisa iyo naftiisa u huray shaqooyinka waa weyn oo uu ugu adeegayay bulshada Soomaaliyeed wakhtiyo kala duwan.

Madaxweynaha ayaa Ra’iisul Wasaaraha Alle uga baryay inuu la garan galo shaqada Cusub ee hortaala isagoo ugu baaqay dhamaan shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagan si uu u guto waajibaadka qaran ee horyaala.

Xamza ayaa maalmaha soo aadan hortagi doona Golaha Shacabka baarlamaanka 11aad si uu u helo kalsoonidooda kahor inta uusan soo magacaabin xukuumad cusub oo badali doonta mida shaqeynaysa.

Xukuumadda cusub ayuu cod dheer wuxuu ku balanqaadey in ay noqon doonta "mid tayo leh" oo ka shaqeyn doonta "samata-bixin doonta dadka iyo dalka Soomaaliyeed".

Wasiirka koowaad ee Soomaaliya oo wajahaya Soomaaliya shantii sano lasoo dhaafay qarka u fuushay xukun kalitalis ah waa 48-sano jir inta la og-yahay illaa iyo haatan aan haysan wax dhalasho waddan kale ah iyo aabaha sideed caruur - wiilal iyo gabdho ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM