Baadigoobka Ikraan Tahliil Faarax oo sanad-jirsadey

Image
Sanad ka dib waayitaankeeda, waalidka iyo ehelada ayaa dalbanaya in gabadhooda ay cadaalad hesho.

MUQDISHO, Soomaaliya – Habeenimadii 26 June oo saacadu aheyd 8-dii Fiidnimo sanadkii hore ayaa Ikraan Tahliil Faarax la waayay, xilligaas oo ay ka soo baxday guriga ay deganeyd oo ku dhow Xarunta Nabadsugida ee Habar Khadiijo, markaas oo ay Kaamirada Qarsoon soo qabatay, iyada oo gaari sii galeysay.

Gabadhan oo madax ka ahayd qaybta dambi baarista internet-ka ayaa waxaa soo shaac baxay warar sheegaya in la dilay.

Hay’adda NISA oo ay ka tirsanayd ayaa lagu eedeeyay in ay dilkeeda mas’uul ka yihiin, inkastoo ay dhankooda iska fogeeyeen. Xog kasoo baxday Nisa ayaa lagu sheegay in baaritaanno la sameeyay lagu ogaaday inay Ikraan afduubteen Al-Shabaab kaddibna dileen.

Hase yeeshee kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeedana beenisay inay ku lug lahayd maqnaashaha iyo dilka gabadhaas, taasoo sababtay in uu jah wareer badan hareeyo kiiskan.

Dhawaan, madixii NISA ee gobolka Banaadir Yaasiin Faray ayaa ku celiyay in gacanta Al Shabaab lagu waayay Ikraan Tahliil Faarax balse Agaasimihii NISA ee xilligaas ayaa dhawaan waraysi uu bixiyay kiiska gabadha ku eedeeyay qaar ka mid ah saraakiisha dowladda.

Kiiska Ikraan Tahliil ayaa ka mid ahaa dhacdooyinkii ugu waa weynaa ee ay la kulantay dowladdii hore oo sabab u noqday in xilka laga qaado Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, iyadoo Kiiska Ikraan uu wali ka furan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana ka jira isku tuur tuur badan oo dilkeeda iyo waayitaankeeda.

Sanad ka dib waayitaankeeda waalidka iyo ehelada ayaa dalbanaya in gabadhooda ay cadaalad hesho.

Khilaaf xoog leh ayaa ka dhashay sida loo maareeyay arrimaha ku saabsanaa Ikraan Tahliil, madaxdii hore ee Nisa ayaana marar kala duwan lagu dhaliilay in ay wax ka ogaayeen.

Ra'iisul Wasaaraha xilka kasii dagaya ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa mar warbaahinta ka sheegay inuu ka warqabo ciddii dishay gabadha xubinta sare ka ahayd hay'adda nabad sugidda Soomaaliya.

Laakiin hadda waxaa hoggaanka hay'adda Nisa la wareegay Mahad Salaad, oo ka mid ahaa shakhsiyaadkii sida wayn ugu ololeynayay sidii ay caddaalad ku heli lahaayeen qoyska Ikraan Tahliil mana cada talaabada uu qaadi doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM