Baaq ku saabsan qaadka oo loo jeediyay Axmed Madoobe

Image
Dumarka nolol maalmeedka ka raadsada qaadka ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa soo saarey qeylo-dhaan culus.

KISMAAYO, Jubaland - Dumarka nolol maalmeedka ka raadsada qaadka ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa qeylo-dhaan culus ka muujiyey isbadelo lama filaan ah oo lagu sameeyay qiimaha qaadka laga dajiyo Jubbaland. 

Qaadka oo markii hore lagu keeni jirey doomo kasoo qaada Raaskaanbooni ayaa geyn jirey Kismaayo oo ah magaalada ugu muhiimsan Jubaland, halkaasi oo uu yaalo suuqa ugu weyn ee qaadka balse hadda waxaa lagu geeyaa duulimaad. 

Duulimaadka ayaa, sidda ay wararku sheegayaan, waxaa loo xirey ganacsato ay isku-dhow-yihiin Axmed Madoobe, kuwaas oo sare-u-qaaday qiimihii qaadka. 

Marduufkii oo markii hore lagu heli jirey $27 doolar xilligii doomaha oo uu masaafo dheer soo mari jirey ayaa hadda maraya $40 doolar, taas oo xaaladda ku adkaysay dadka biilalka ka raadsada iyo kuwa iibsada. 

Dumarka qaadka ayaa madaxweynaha Jubbaland si gaar ah uga codsaday in uu soo farogaliyo arrimaha taagan, uuna la hadlo saaxiibada uu qaadka u xirey.

Maamulka Juballand ayaan weli hadal kasoo saarin arrintan qaadka oo sidoo kale uu buuqeeda ka jiro meelo kale oo dalka ka mid ah, si isa soo taraysana u yeelanaysa weji siyaasadeed oo aanan fiicnayn. 

Ganacsatada qaadka keenta ayaa sidoo kale laga cabanayaa in ay bilaabeen in ay adeegsadaan ciidanka maamulka si ay ugu xirxiraan dadka lagu yeesho deemaha, iyada oo farta lagu fiiqay isku milan maamulka iyo ganacsatada qaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM