Balcad: carruur u dhimatey cudurka Jadeecada

Image

January 21, 2015 (GO)- Siddeed qof ayaa u geeriyoodey in ka badan labaatan kalena way la il daran yihiin cudur Jadeeco loo malaynayo oo ka dillaacay degmada Balcad ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Dadka dhintay iyo kuwa cudurka la jiifa ayaa dhammaantood ah carruur, sida uu sheegay duqa Balcad Maxamed Maxamuud Saney.

Saney oo waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe ayaa baaq u direy Dowlada Federaalka, isagoo ka codsaday in halkaas loo soo diro kooxo caafimaad.

Tallaalka cudurada dilaaga ah ee Jadeecadu kamid tahay ee la siiyo carruurta da'doodu shanta sano ka hooseyso ayaan Balcad la gaarsiin lixdii bilood ee ugu dambeeyey, sida ay mas'uuliyiinta maamulka degmadaasi sheegeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nidaamka E-Visa ee Soomaaliya oo Amnigiisa sugnayn, Xogta Dad badan oo Khatar Ku Jirta

Toddobaadkan, Al Jazeera ayaa ku guuleysatay inay ku celiso nuglaanshaha uu tilmaamay isha xogta bixisay.

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:26AM

Shirka Kismaayo: Shirar gaar-gaar oo ka socda Madaxtooyadda Jubaland

Ilo-wareedyadu waxay intaas ku dareen in sidoo kale laga doodayey erey-bixinta war-murtiyeedka kama dambaysta ah ee kulanka.

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 10:40AM