Baraawe: Maraykan ka tirsanaa Al-shabab oo isa soo dhiibay

Image

December 7, 2015 (GO)- Sarkaal ka tirsan Al-shabab una dhashay dalka Maraykanka ayaa maanta isu soo dhiibay ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Guddoomiyaha Baraawe, Xuseen Maxamed Barre ayaa warbaahinta u sheegay in ninkan oo xilligii uu isa soo dhiibayey daal iyo harraad fara badani ka muuqday, si wanaagsan loo qaabilay laguna wareejiyey ciidamada AMISOM ee ku sugan Baraawe.

"Ninkan ajnabiga ah, wuxuu noo sheegay inuu yahay Mareykan, luqada ingiriiska ayuu ku hadlayay, waa nin madow, waxay da’diisa u dhaxeysa 30 ilaa 40-sano, markaan wareysanay wuxuu noo sheegay inuu ka soo baxsaday Al-Shabaab, niman saaxibadiis ahna ay dileen Al-Shabaab, cabsi darteed uu uga soo baxsaday" ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Dhowrkii bilood ee u dambeeyey waxaa soo shaac baxay khilaaf u dhexeeya hoggaanka sare ee Al-shabab, khilaafka ayaa ka dhashay ka go'aan gaarista in Al-shabaab ku biirto Daacish iyo inay kasii mid ahaato Al-qacida.

Xubno ajnebi u badan oo taageersan fikirka ah in lagu biiro Daacish ayaa ka goostay Al-shabab, waxayna taasi keentay in dagaallo kooxda dhexdeeda ahi ka dhacaan gobolka Jubbada Hoose.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM