Barlamanka DFS oo ansixiyey xeerka hantidhowrka qaranka

Image

January 29, 2015 (GO)- Xildhibaanada Barlamanka Dowlada Federaalka ayaa maanta ansixiyey hindise-sharciyeedka hay'adda hantidhowrka qaranka.

Kulanka Barlamanka ee maanta oo guddoomiye ku-xigeenka koowaad Jeylaani Nuur Iikar shir guddoominayey waxaa soo xaadirey 158 xildhaan.

154 kamid ah xildhibaanada ayaa ogolaadey xeerkan iyadoo afar xildhibaan oo keliya ay ka aamuseen.

Xeerkan ayaa awoodo dheeri ah siinaya xafiiska hanti-dhowrka, waxaana kamid ah in madax banaani buuxda uu u helayo baarista dhaq dhaqaaqa hantida qaranka iyo weliba shaqsiyaadka ku lug yeesha musuq maasuqa.

Ansixinta hindise-sharciyeedkan ayaa kusoo aadeysa labo todobaad kadib markii xeer ilaaliyaha guud ee qaranku sheegay in saraakiil madaxtooyada Villa Somalia ka tirsani u hanjabeen lagana horjoogsadey xafiiskiisa inuu shaqadiisa si fiican u guto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgalka AUSSOM oo laga cabsi-qabo inuu burburo

Sida laga soo xigtay Youssouf, farqiga maalgelinta ayaa gaaray $180 milyan inkastoo taageero ay ka heleen dhowr saaxiibadood.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 11:52AM

Soomaaliya iyo Uganda oo Saxiixaya Saddex Heshiis iyo Xasan Sheekh oo ku wajahan Kampala

Guddigan JPC ayaa la aas aasay sanadkii 2022 si loo dardargeliyo iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee labada dal.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 06:23AM