Barlamanka DFs oo aqbaley codsiga R.W. Somalia ( Akhri qoraalka)

Image

Muqdisho, Jan 17 2015 [GO]- Barlamanka dowlada Federaalka ayaa fadhigooda maanta ku ogaaladey codsigii Ra'isal wasaraha Somalia in muddo 14 cisho ah la siiyo sidii dib u eegis ugu sameyn lahaa xukumadii dhowaan lagu dhawaaqey.

Fadhiga Barlamanka oo xaadir ahaayeen 164 xildhibaan ayaa waxaa shir gudoominayey gudoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen kuwaas oo qoraalka Ra'isal wasaaraha ka hor akhriyey xarunta mudanayaasha golaha shacabka.

Golaha Barlamanka Somalia ayaa codsiga Ra'isal wasaarah ku aqabaley cod aqlibiyad ah.

Qaraalkaan oo warsidaha Garowe heley ayaa waxaa ku xusnaa in Ra'isal wasaaraha Somalia ku wargalinayo  Barlamanka dowlada Federaalka inuu dib ula noqnayo golihii Wasiirada ee uu dhowaan soo magacaabey.

Codsigaan oo gudoonka Barlamanka dowlada Federaalka xaley heley ayaa kulamo la qaatey xildhibaanada kala fikrada duwan iyaga oo ka codsadey in la aqablo codsiga Ra'isal wasaaraha kuwaaoso isku raacey.

Go'aanka dib loogu eegayo dhismaha xukuumada cusub ayaa waxaa wada gaarey maalintii shaley 16 Jan,2015 Ra'isal wasaaraha Somalia, Madaxweynaha dowlada Federalka iyo Gudoomiyaha Barlamanka Jawaari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Radio Sweden oo shaaciyey sida Xafiiska RW Soomaaliya ugu tagri faley lacago gargaar ah

Warbixintaan , oo ay diyaarisay Ekot — waaxda ugu weyn ee wararka Raadiyaha Sweden…

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 02:58AM

Hoggaamiyeyaal saameyn ku leh siyaasadda Soomaaliya oo Shir uga furmay Kismaayo

Dhankiisa, Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka in ay dhibaato u geysatay maamulkiisa.

  • Soomaliya

    18-12-2025

  • 05:55PM