Barlamanka DFs oo aqbaley codsiga R.W. Somalia ( Akhri qoraalka)

Image

Muqdisho, Jan 17 2015 [GO]- Barlamanka dowlada Federaalka ayaa fadhigooda maanta ku ogaaladey codsigii Ra'isal wasaraha Somalia in muddo 14 cisho ah la siiyo sidii dib u eegis ugu sameyn lahaa xukumadii dhowaan lagu dhawaaqey.

Fadhiga Barlamanka oo xaadir ahaayeen 164 xildhibaan ayaa waxaa shir gudoominayey gudoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen kuwaas oo qoraalka Ra'isal wasaaraha ka hor akhriyey xarunta mudanayaasha golaha shacabka.

Golaha Barlamanka Somalia ayaa codsiga Ra'isal wasaarah ku aqabaley cod aqlibiyad ah.

Qaraalkaan oo warsidaha Garowe heley ayaa waxaa ku xusnaa in Ra'isal wasaaraha Somalia ku wargalinayo  Barlamanka dowlada Federaalka inuu dib ula noqnayo golihii Wasiirada ee uu dhowaan soo magacaabey.

Codsigaan oo gudoonka Barlamanka dowlada Federaalka xaley heley ayaa kulamo la qaatey xildhibaanada kala fikrada duwan iyaga oo ka codsadey in la aqablo codsiga Ra'isal wasaaraha kuwaaoso isku raacey.

Go'aanka dib loogu eegayo dhismaha xukuumada cusub ayaa waxaa wada gaarey maalintii shaley 16 Jan,2015 Ra'isal wasaaraha Somalia, Madaxweynaha dowlada Federalka iyo Gudoomiyaha Barlamanka Jawaari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM