Barlamanka DFS oo waqti dheeri ah siiyey Ra'isal Wasaaraha

Image

January 31, 2015 (GO)- Xildhibaanada Barlamanka  Dowlada Federaalka ayaa aqbalay codsi uga yimid dhanka Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmaake kaasoo ahaa in la siiyo waqti dheeri ah si uu dib u eegis ugu sameeyo xukuumada cusub ee dhowaan lasoo magacaabay.

Ra'isal wasaaraha ayaa dalbaday mudo 10 maalmood ah waxaana codsigaas aqbalay aqlabiyadda xildhibaanadii fadhiga maanta soo xaadiray.

190 Xildhibaan ayaa fadhiga barlamanka maanta kasoo qayb galay waxaana dalabka Ra'isal wasaaraha ogolaaday 139 mudane iyadoo 47 Xildhibaan diideen halka lix xildhibaan oo kale ka aamuseen.

Waa markii labaad muddo bil gudaheed ah ee Ra'isal Wasaare Sharmaake Barlamanka ka codsado inay waqti dheeri ah siiyaan si uu usoo dhiso xukuumad dhameystiran dhammaan dhinacyada siyaasaduna ku qanacsan  yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixin: Nidaamka E-Visa-da Soomaaliya oo Weli La Tacaalaya Daldaloolo Amni

Falcelinno ka yimid hay’adaha caalamiga ah ee ilaaliya xogta ayaa ku tilmaamay tallaabada…

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:45AM

Nidaamka E-Visa ee Soomaaliya oo Amnigiisa sugnayn, Xogta Dad badan oo Khatar Ku Jirta

Toddobaadkan, Al Jazeera ayaa ku guuleysatay inay ku celiso nuglaanshaha uu tilmaamay isha xogta bixisay.

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:26AM