Barlamanka Federaalka oo weli diidan ansaxinta Xukuumadda

Image

MUQDISHU Jan 29 2015 [GO]- Barlamaanka dowlada Federaalka ayaa wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho sheegayaan inuu ka diidan yahay weli ansaxinta xukuumada cusub ee lagu dhawaaqey habeenkii xaley Jan 28,2015. 

Xildhibaano ka tirsan Labada Kudladood oo horey dib u celiyey xukuumadii hore islamarkaana diidey in Afar xubnood kamid noqdaan golaha cusub wasiirada ayaa kulamo gooni gooni ah maanta la qaatey wakiilada beesha caalamka kaga sugan magaalada Muqdisho. 

Kulamadaan oo ahaa kuwo albaabada u xirnaayeen ayaa wararka kasoo baxaya sheegayaan in xildhibaanda ku muujiyeen dareenkooda ku aadan xukuumada cusub.

Kudladaha kulamdaan la qaatey xubnaha beesha caalamaka ayaa diidey in saxaafada la hadlaan inta ay go'aankooda gaarsiinayaan xubnaha Muqdishu ka jooga  wadamada tageera Somalia.

Eedeymaha ay u gudbiyeen xildhibaanadaan wakiilada beesha caalamka ayaa waxaa kamid ah in xubno ka tirsan golaha wasiirada ee cusub ku lug lahaayeen musuq-maasuq heer sare ah, kamid ahaansho urur diimeedyo islamrkaana magacaabistooda laga leeyahay siyaasad ku aadan sidii qorshaha 2016 loo meel marsan lahaa.

Madaxweynaha dowlada Somalia iyo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid ayaa dadaal ugu jira sidii xukumadaan cusub loo ansaxin lahaa kuwasoo  kulamo la qaatey xildhibaano iyo gudoonka aqalka mudanyaasha.

Gudoomiyaha Barlamanka Somalia iyo madaxweynaha dowlada Federaaka ayaa sidoo kale maanta kulan yeeshay kuwaasoo kawada hadley dadaalka loogu jiro ansaxinta xukuumada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM