Barlamanka Somalia oo ansixyay sharciga maalgashiga Shisheeye

Image

24 November, 2015(GO)-Barlamanka Somalia oo ku guda jira kalfadhigooda 7-aad ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka maalgashiga caalamiga ah kaasi oo soo maray marxalado kala duwan.

Sharcigan oo loo qaaday cod gacan taag ah, waxaa ogolaaday 143 Xildhibaan, hal xildhibaan ayaa diiday, 3 kalena waay ka aamuseen sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Barlamanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo shir guddoominayay.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somalia Maxamed Xasan Aadan, ayaa codayn ka dib Xildhibaanada u mahad celiyay, wuxuuna tilmaamay inay guteen wajib dastuuri ah oo saarnaa.

Afhayeenka Barlamanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ku hadlayay magaca guddoonka iyo kan xildhibaanadda ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Safiirkii Somalia u fadhiyay dalka Masar iyo suldaan ka mid ahaa isimadii soo xulay mudanayaal ka mid ah Barlamanka hadda jira oo geeriyooday kaasi oo lagu magacaabi jiray Suldaan Cabdillaahi Kibaar Faarax, waxaana uu ALLAH uga baryay labadaasi marxuum in naxariistiisa siiyo  Qabrigana u nuursho.

Dhinaca kale Barlamanka, ayaa warbixin ka dhagaystay guddi xaqiiqo raadi ah, kuwaasi oo dhawaan loo diray xuduuda Somalia iyo Kenya, halkaasi oo dowladda Kenya, ka dhisayso darbi.

GAROWEONLINE

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM